4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) —Francois Hollande oo ah madaxweeynaha dalka France ayaa sheegay in dowladiisu ay siweyn u adkeyn doonto ammaanka dalka,kadib howlgallo ay ciidamada France ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.

Dowladda France ayaa ciidamadeedu waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan dalka Mali halkaasoo ay kula dagaalamayaan kooxaha islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda dalkaasi, waxaana sidoo kale cutubyo katirsan ciidamada Kumaandooska dalka France ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen deegaanka Buulomareer, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay kusoo furteen lahayste u dhashay dalkaasi oo mudo u af-duubnaa Xarakada Al-shabaab.

Madaxweeynaha dalkaasi ayaa ku amray laamaha ammaanka in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah, islamarkaasina la sugo ammaanka goobaha ay dadka ku badanyihiin ee ku yaal dalkaasi.Francois-Hollande.jpg

Baaqaan kasoo yeeray madaxweeynaha dalka france ayaa imaanaya xilli ciidamada military dalka France ay howlgallo xooggan ka wadaan dalka Mali, iyadoona lagu soo waramayo in diyaaradaha dagaal ee dowladda France ay weerarro culus ku qaadeen saldhigyo ay kooxaha islamaaiyiinta kasoo horjeeda dowladda Mali ku leeyihiin dalkaasi.

Dowladda France ayaa sheegtay in ay guulo la taaban karo ka gaartay howlgalladii ugu danbeeyay ee ay ka fulisay dalka Mali, islamarkaasina kooxaha islaamiyiinta ay ka burburisay saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen magaalada Konna. Dowladda Mali ayaa iyana sheegtay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa France ay ka dileen kooxaha mucaaradka in ka badan 100 askari.

Sanda Abou Mohamed oo ah afhayeenka kooxda Ansar Diin ee kasoo horjeedda dowaldda Mali ayaa ku eedeeyay ciidamada ka socda dalka France in ay xasuuq ba'an ka geeysteen magaalada Konna, wuxuuna yiri: “Ciidamada France ee argagixisada ah waxay madaafiic ku garaaceen magaalada Konna. Isbitaallada waxaa buuxdhaafiyay dhaawaca haween, caruur iyo dad da’ ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.”

Masuulkani oo la hadlay Al-jazeera ayaa sheegay in aan la ogaan karin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay weerarka, balse wuxuu xusay in ay aad u badantahay, isalamarkaasina ay dhankooda uga dhinteen oo qura shan askari inta kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Ururka ECOWAS ee ay ku bahoobeen wadamada galbeedka Africa ayaa ku dhawaaqay in uu si deg-deg ah ciidamo ugu diri doono dalka Mali, si ay dowladda dalkaasi gacan uga siiyaan la dagaalanka kooxaha kasoo horjeeda.

Ciidamada uu ururka ECOWAS sheegay in uu u diri doono dalka Mali ayaan la garanayn tiradooda iyo weliba wadamada ay ka kala imaanayaan, sidoo kalena lama shaacin xilliga rasmiga ah ee ay ciidamadu gaari doonaan dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya