4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka hadlay wadahadlalada furmi doonaan ayaa sheegay inay dhankooda aad u soo dhaweynayaan, balse aysan ogolaan doonin in lagu soo daro xubno kasoo jeeda maamulkooda oo ka socda dowladda Soomaaliya.

“Ma ogolaan doonno in wadahadallada ay kasoo qaybgalaan xubno kasoo jeeda dhankeenna oo matalaya Soomaaliya. Waxayna Wadahadalladan daba-joogaan wadahadalladii ka dhacay London iyo Dubai sannadkii hore,” ayuu yiri Cumar.

Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sannadkii hore bartamihiisa waxay wadahadalladii ugu horreeyay muddo labaatan sano ka badan uga furmeen magaalada London, iyadoo madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif ay iyaguna isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyagoo ku baaqay inay wadahadalladu sii socdaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa wuxuu hadalkiisan kusoo beegmay xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon uu isna shaaca ka qaaday inay dib u billaaban doonaan wadahadlaldii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Rajo weyn ayaan ka qabaa inay wadahadalladaas kasoo bixi doonaan natiijooyinka wanaagsan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin inay la hadlaan walaalahooda Somailland.

Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadanayso shuruudda ay ku xirtay Somaliland wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in wasiiradda arrimaha dibadda Somaila,Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay kasoo jeeddo Somaliland.

Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day sannadkii 1992-kii, iyadoo tan iyo xiligaas dadaal ugu jirtay in loo aqoonsado dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya, balse taasi ma hirgelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya