4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2013
Dad Gadoodsan oo Gubay gaadhigii Maayarka degmadda Saylac iyo Wasiirkii hore ee Dhalinyarada oo nabad ku baaqay

Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL)- Dadweyne Gadoodsan ayaa shalay magaaladda Saylac ku gubay gaadhigii uu wadan jirey maayarkii hore Saylac oo la doonayey in lagu wareejiyo maayarka cusub ee loo doortay magaaladaasi.

 

Sidoo kale waxa isna Guri lagu ilaalinayaa Agaasimaha goboladda ee wasaarada Arrimaha gudaha oo magaladda Saylac u yimid inuu xilka u kala wareejiyo labadda maayar, haseyeeshee dad ka cadhaysan in xilkaasi loo kala wareejiyo ay dooneen inay xoog ku galaan guriga uu degan yahay agaasimuhu si aanu xilkaasi u kala wareejin, balse ciidanka amniga ayaa dadkaasi ka hortaagan inay wax dhibaato ah gaadhsiiyaan masuuliyiinta Saylac ku sugan.

 

Si kastaba ha ahaatee, Baabuurkan dabka la sudhay ayaa dhex yaalay xarunta badhasaabka ee Gobolka Selel, ilaa hadda ciidanka amnigu wax faahfaaahin ah kama bixin siday dadkaasi ugu suurtogashay inay gubaan gaadhigaasi, maadaama oo ciidaankii ilaalada ka ahaa ay goobtaasi joogeen.

 

Dadweynaha Saylac ayaa si weyn uga soo horjeedda doorashadii degmadaasi ka dhacay kuwaas oo ku tilmamay doorasho xaaraan ah.

 

Dhinaca kale,  Wasiirkii hore ee Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa dadweynaha ku dhaqan magaaladda Saylac ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan, waxa kale oo uu xukuumadana ka dalbaday inay arrintan wax ka qabtaan oo la soo afjaro arrimaha jira.

 

Wasiirkii hore dhalinyarada oo ah afhayeenka weftiga reer Saylac ee magaaladda Hargeysa u yimid soo afjaridda khilaafka ka taagan doorashadii ka dhacday magaaladaasi, ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku geeriyooday khasaarihii ka dhacay Saylac iyo kuwii ku dhaawacmayba.

 

 “Muddo ku siman 20 cisho ayaanu Hargeysa u joognay in aanu xukuumadda kala hadlo sidii ay hoos ugu eegi lahayd cabashooyinka dadka, falkan dhacayna waxa uu ahaa mid aanu doonaynay in aanu ka hor tagno, waliba dadkaasi la laayay may ahayn kuwo xabado sita ee waxa ay ahaayeen dad dhigayay mudaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan golaha deegaanka ee Magaaladda Saylac”ayuu yidhi Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlayey rabshadihii ka dhacay Saylac.

 

Waxaanu intaas ku daray “ Cabashooyinka aanu jecelnahay in aanu kala hadalno Madaxweynaha Somaliland waxa ay tahay in xuduudka dib loogu soo celiyo halkii uu 60-Kii ahaa, sidoo kale waxa aanu doonaynaa in aanu kala hadalno saamigii kuraasta xukuumadda haddii ay noqon lahayd Wasiiradda, Taliyeyaasha ciidamadda iyo waliba waxyaabo badan”.

 

Afhayeenka weftiga reer Saylac Cabdi Siciid Faahiye ayaa sheegay in mudadaasi ay joogeenba ka war sugayaan madaxweynuhu inuu go’aan ka qaato, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto arrimahan sii socda.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland