4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2013
Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya oo Isbedel lagu sameeyay iyo Golaha Wasiirrada oo Go’aanno soo saaray

Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho xalay ayaa waxay go’aanno ka gaareen sidii loosoo celin lahaa waxbarashadii lacag la’aanta ahayd iyo sidii dib loogu soo celin lahaa hantada maguurtada ah ee dowladda.

Dhanka kale, waxaa isbedello lagu sameeyay saddex wasaaradood oo ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo aan wax isbedel ah lagu sameyn wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha wasaaradahaas aan wax isbedel ah lagu sameyn.

Wasaaradaha isbedelka lagu sameeyay ayaa waxay kala yihiin: wasaaradda arrimaha dibadda oo hadda kaddib noqonaysa wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxaa iyadana loo beleyt wasaaradda warfaafinta, is-gaarsiinta iyo gaadiidka, wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dekedaha oo iyadana loo bedelay, wasaaradda howlaha guud, dekedaha iyo gadiidka badda, iyadoo wasaaradda la sheegay in lagu daray dhlinta iyo qaybinta korontada.

Sidoo kale, dhammaan howlaha dalxiiska, hoteellada iyo duur-joogta waxay si KMG ah u hoostagayaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’isuul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, golaha wasiirradu waxay ka doodeen arrimo ay ka mid yihiin, waxbarashada, barkacayaasha dhex-deggen Muqdisho sidii loogu rari lahaa goobo ammaan ah oo ka baxsan magaalada iyo hantida ma-guurtada ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka wafaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlay go’aannadii kulanka golaha wasiiradda lagu gaaray ayaa sheegay in loo qabtay dhammaan wasaaradaha xukuumadda inay muddo 10-maalmood ah ay kusoo gudbiyaan hantida ma-guurtada ah iyo hantida guurtada ah ee wasaaradaha xukukumadda, iyadoo guddi lix wasiir ah loo saaray sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen sida lagu soo celin karo hantidaas iyo meelaha ay kala taallo.

Golaha wasiirradu waxay sidoo kale go’aan ku gareen in dib loosoo celiyo dhammaan waxbarashadii lacag la’aanta ahayd ee dalka, taasoo gaaraysa illaa heer jaamacadeed, sidoo kalena si aad ah loo koontaroolo waxbarashada lacag la’aanta ah ee dibadaha laga helo.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada waxay lix wasiir u saareen sidii ay qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen goobo cusub oo la dejiyo barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaalla magalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya