4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka oo ka socoto Magaalada Kismaayo

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socoto qabanqaabadii ugu danbeeysay oo loogu jiro in dib loo ambaqaado shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka kaasoo mudooyinkii u danbeeyay uu hakad ku yimid.

Shirkan oo la filayay in xilli hore lasoo afjaro ayuu hakad ku yimid, kadib markii khilaaf ku aadan habka dhismaha maamulka uu soo kala dhexgalay xubnihii shirka waday, waxaana mudooyinkii u danbeeyay soconayay tashiyo iyo shirar gooni gooni ah oo gudiga farsamo ee shirka maamul u sameynta  Jubooyinka ay la yeelanayeen odoyaasha, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada beelaha dega gobolladaasi.

Kusimaha gudoomiyaha ahna gudoomiye kuxigeenka maamulka KMG Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta degmada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay socoto qabanqaabadii ugu danbeysay ee ku aadan shirkaasi.

Masuulkani ayaa sheegay in uu meel fiican marayo shirka, wuxuuna intaa raaciyay in ergooyinkii shirka ka qeybqaadanayay ay ku kala maqanyihiin gobollada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo, halkaasoo ay u aadeen buu yiri si beelaha ay kasoo jeedaan ay uga dhaadhiciyaan arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in uu aad ugu rajo weynyahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, islamarkaasina dadka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku qanacsanyihiin oo ka shaqeeya danahooda.

Arinta maamul u sameynta Jubooyinka ayaa mudooyinkii u danbeeyay si weyn loo hadal hayay, waxaana soo ifbaxayay khilaaf ku aadan habka loo dhisayo maamulka oo u dhexeeyay maamulka KMG ee Kismaayo iyo xubno katirsan dowladda Soomaaliya walow gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda iyo maamulka Kismaayo islamarkaasina ay xalliyeen khilaafaadkii jiray.

Wafi ka socday dowladda Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo taliyeyaal ciidan ayaa dabayaaqadii bishii December ee sanadii tagtay waxa ay gaareen magaalada Kismaayo, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda ugu sarreeysa ee maamulka Kismaayo, iyagoona ka wadahadlay arimo ku saabsan xaaladda ammaanka ee Kismaayo iyo weliba howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolladaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya