4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo socdaal ku jooga dalka Suudaan


Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada
Tuesday, January 01, 2013

Mogadishu, Somalia,Janaayo,02 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim X. Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiir ku-xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.



Wafidigan ayaa waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aadday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka Blue Nile.

Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo waxey kulamo la qaateen Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Suudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labada dal loo hormarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshada ee dowladda Soomaaliya u diyaarineyso goboladda dalka. Adeegyadaas ayaa waxaa ka mid ah amniga, waxbarashada,
caafimaadka, garsoorka iyo adeegyada kale ee bulshadda.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho
[email protected]