4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in Soomaaliya ay Sannadkii hore 2012 ku Tallaabsatay Guulo la Taaban karo
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn oo la taaban karo gaartay sannadkii hore 2012 isagoo xusay in xafiiskiisa uu si kama dambeys ah ugu guuri doono Muqdisho.

Danjire Mahiga wuxuu caalamka ka dalbaday in Soomaaliya ay caawiyaan, isagoo xusay in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay waddadii horumarinta, xisilloodnida iyo nabadda isagoo sheegay in guulahaas lagu gaaray iyadoo wadajir loo fuliyay howlihii looga baxayay xilligii KMG ahaa.

"Guulaha la gaaray waxaa ka mida ah in bishii Ogoosto ee sannadkii lasoo dhaafay lagu tallaabsaday arrin taariikhi ah, taasoo ahayd in la dhaariyay baarlamaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato muddo 20-sano ah kaddib," ayuu yiri Mahiga oo intaas ku daray in guul kale ay ahayd in baarlamaanku uu soo doorto madaxweyne dalka hoggaamiya.

Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab laga soo hooyay guulo la taaban karo, isagoo xusay in dhul badan laga saaray sannadkii hore, kuwasoo uu sheegay in hay'adaha samafalka loo diiday inay ka howlgalaan, balse ay maanta fursad u haystaan hay'aduhu inay tagaan dadka ku caawiyaan.

"Dowladaha gobolka waxaan uga mahadcelinayaa sida naf-hurnimada ah ee ay ugu saacideen ciidamadooda inay tagaan Soomaaliya si ay qayb uga qaatana howsha lagu nabadeynayo dalka ay dagaalladu la degeen," ayuu Mahiga hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Mahiga wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah in xafiisyadooda ay gudaha dalka u wareejiyaan, isagoo xusay in isagu uu toddobaadyada soo socda si rasmi ah uu ugu guuri doono Muqdisho.

Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNPOS ayaa wuxuu dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd colaadaha dabada-dheeraaday, iyadoo xafiiskan oo uu madax ka yahay danjire Mahiga uu si dhowr ula shaqeeyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya