4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xeer Madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyadda Sanadka 2013-ka
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne ku dhaqangaliyey Miisaaniyaddaa sanadkan 2013- taasoo doraad iyadoo aan laga doodin duuduub u ansixiyeen golaha Wakiiladdu.

war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa lagu sheegay in miisaaniyaddii sanadkan uu madaxweynuhu dhaqangaliyey ka dib markii ay ka soo gudubtay golaha Wakiiladda oo ay aqlabiyad ku meel mariyeen.

 “Madaxweynaha Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/122012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Waxa intaas lagu daray “Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Mad-bacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan ayey sidaas ku dhaqangal tahay maanta laga bilaabo”

Miisaaniyadan ayaa noqonaysa tii ugu horayey ee la dhaqangaliyo iyadoo aan sanadkii dhamaan, haseyeeshee dhinac kalana waxay noqonaysaa waa markii ugu horaysay ee iyadoo laga doodin duuduub lagu ansixiyo.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu shacabka Somaliland ku hambalyeeyey sanadka cusub ee 2013-ka, isagoo u bushaareeyey inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland