4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
BEKIR BUZDAG: "Shacabka Soomaalida si aad ah ayay ugu ku faraxasn yihiin in Turkiga uu dhinacooda Taagnaado"
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaer ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Buzdag oo la hadlayay wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in Turkiga uu barbar taagnaado, isagoo intaa ku daray in shacabku ay aad ugu farxayaan markii ay arkaan diyaarad uu leeyahay Turkiga oo gargaar bani'aadamnimo u sidda.

Dalka Turkiga ayaa waxay sannad ka hor ka billaabeen gudaha dalka Soomaaliya howlo caawin ah oo isugu jira cunno-qaybin, daweyn iyo dib u dhis, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay aad ugu ammaaneen Turkiga galadda uu u galay shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan arkay dad oranaya - Turkiga waa yimid, uma dhimanayno gaajo iyo dawo la'aan," ayuu yiri Bozdag, isagoo uga mahadceliyay hay'adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Turkiga (TIKA) howlo samafalka ah ee ay kawaddo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Bozdag wuxuu sheegay in hay'adda TIKA ay horumarisay sannadkii hore ee 2011 dadaalka caawinta ah ee ay kawaddo caalamka, wuxuuna xusay inay hadda ka howlgasho 33 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.

"TIKA waxay ahayd hay'addii Turki ahayd oo ugu horreysay oo gargaar ka billowda Soomaaliya markii halkaas booqasho ku tagay ra'iisul wasaare Recep Tayyip Erdogan, booqashadaasna waxay shacabka Soomaaliyeed iyo dunidaba u arkeen mid layaab leh," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Bozdag wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ku joogto inay caawiso oo keliya shacabka Soomaaliyeed, balse aysan jirin arrimo siyaasadeed oo ay ka leedahay dalka ay dagaalladu burburiyeen, isagoo intaas ku daray inay u fureen safaaraddooda Soomaailya sidii ay xaaladda dalka ula socon lahaayeen.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo saddex booqasho ku yimid Muqdisho ayaa sheegay in Turkiga ay la wadaagayaan Soomaalida inay is-dhaafsadaan dhaqanka iyo afka labada dal, isagoo xusay inay arday badan oo Soomaaliyeed ay u fidiyeen waxbarasho lacag la'aan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya