4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Safarkiisii Sagaalaad oo uu dalka dibadda uga baxo ku tagay dalka Suudaan
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii sagaalaad oo uu dalka uga baxo tan iyo markii u loo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qaybgali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.


Wafdiga madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka dagay gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan, iyadoo markaas kaddib loo qaaday xarunta dalka Suudaan ee Khartuum.

Madaxweyn Xasan ayaa lagu wadaa in dabbaal-degga kaddib uu kulammo la qaato madaxda dalka Suudaan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysay uu Xasan Sheekh ku tago Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan arday fara badan oo Soomaali ah, kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas.

Lama oga in madaxweyne Xasan uu la kulmi doono ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaa iyo in kale, iyadoo booqashadiisan lagu sheegay inay qayb ka tahay booqashooyin uu dhawaanahan ku marayay dalalka Bariga Afrika.

Xasan Sheekh ayaa horay u booqday dalalka, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo uu min laba jeer booqasho ku tagay isagoo sidoo kale booqday dalalka Kenya iyo Turkiga, waxaana u qorsheysan inuu dalal kale oo Afrika iyo Yurub ku yaalla booqdo bilaha hore ee sannadkan cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya