4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Hay'adda WFP oo sheegtay in Soomaali tiradoodu ka badan tahay Hal Milyan ay u baahan yihiin Gargaar Bani’aadamnimo


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa warbixin ay soo saartay Jimcihii shalay ku sheegtay inay qorsheynayso in 1.6-milyan qof Soomaaliya ay caawinayso sannadkan cusub, iyadoo intaas ku dartay in dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin goobaha ay weli ka taliso Al-shabaab.

WFP ayaa waxay warbixinteeda ku sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd bishii Ogoosto 2011, xilligasa oo Soomaaliya ay dillaaceen abaaro dhaliyay macluul daran.

Sidoo kale, hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dib howlaheeda caawinaadda ah uga billowdo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. Taasoo ah bay tiri markii ugu horreysay oo muddo afar sano ka badan oo ay fursad u hesho inay dadka magaaladaas ku nool ay gaarsiiso gargaar.

“Waxaan caawinnay qoysas dhibaateysan oo ku nool Kismaayo. 24% ilmaha ku nool magaladaas ee da’doodu ka hoosayso shanta sano waxaa haysa nafaqo-darro,:” ayay tiri afhayeenadda WFP, Elizabeth Byrs. Iyadoo intaas ku dartay in hay’addoodu ay billowday caawinta dadka ku nool magaaladaas.

Byrs waxay hadalkeeda raacisay in mashaariicdooda Soomaaliya ay ka mid tahay in maalin walba ay raashin qalalan siiyaan dadka gargaarka deg-degga ah u baahan ee Kismaayo.

“Howshan waxaan u sameynaynaa sidii aan u caawin lahayn bulshada, sidoo kalena aan ku soo celin lahayn noloshooda caadiga ah. Waxaana wadnaa qorshe aan ku qodayno ceelal, wadooyinka aan ku dhisayno iyo sidii aan ku dhisi lahayn iskuullo iyo goobo lagu quudiyo dadka ay nafaqo-darradu hayso,” ayay tiri Byrs.

Ugu dambeyn, sarkaaladdu waxay sheegtay inay si dhow ula socoto howlaha ay ku caawinayso shacabka. Iyadoo xustay in shacabka Soomaaliyeed ay isku diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahayeen colaadihii iyo nabadgalyo inta badan soo jirtay.

Hay’adda WFP waxay codsatay lacag gaaraysa 57-Milyan oo doollar si ay ugu fuliso howlaheeda gargaar ee Soomaaliya lixda bilood ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya