4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray xafiisyo laga hirgaliyay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) —  Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal iskugu jira kuwo cusub iyo qaar dib u habayn lagu sameeyey oo ku yaalla xarunta madaxtooyadda Somaliland.

Xafladan xadhiga lagaga jarayey xafiisyada cusub iyo dib u habaynta agu sameeyey qasriga madaxtooyadda ayaa waxa ka soo qaybgalay raxan wasiiro ah iyo marti sharaf kale, waxaana sharaxaad ka bixiyey qaybaha uu dhismaha cusubi ka kooban yahay iyo dib habeynta lagu sameeyey qasriga madaxtooyada wasiirka madaxtooyadda Somaliland Mr: Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismayaashan cusubi ka kooban yihiin sideed xafiis iyolaba hool oo shirarka caalamiga ah loogu tallogalay oo aad loo casriyeeyey, waxa kale oo u jira sagaal makhsin oo loo dhisay ciidanka madaxtooyaddu  inay seexdaan loogu tallogalay, sidoo kale waxa dib u habayn balaadhan loogu sameeyey fooq uu ka kooban yahay qasriga madaxtooyaddu oo aad loo qurxiyey.

Sidoo kale, waxa isaguna warbixintaasi ka dib xadhiga ka jaray madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka madaxtooyadda iyo hawl-wadeenadda madaxtooyadda.









Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland