4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo oo yeeshay kulan ay ku diideen Qodobo ka mid ah Xeerka Saxaafadda (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Suxufiyiinta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa shalay ku yeeshay xarunta idaacadda Radio Gaalkacyo kulan ay uga hadleen xeerka saxaafadda ee ay dhawaan soo bandhigtay dowladda Soomaaliya, kaasoo ay kaga soo horjeesteen qodobbo ka mid ah xeerkaas.

Suxufiyiinta ayaa kaga dooday kulankooda qodobbada xeerka Saxaafada ee la diidan yahay kana kooban 27-ka qodob; iyadoo saxafiyiintu ay sheegeen in xeerkan uusan u cuntamaynin saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya.

Saxafiyiinta ayaa sheegay in xeerkan uu noqon karo mid saxafiyiinta ku keena dhibaato isla mrkaasna waxay sheegeen in loo baahan yhay in laga hortago si aanu saamayntiisu u badan, waxayna suxufiyiinta kale ee Soomaaliyeed ugu baaqeen inaysan marnaba raalli ka noqon caburin iyo in xuquuqdooda lugu tunto.

Sidoo kale, suxufiyiinta shiray waxay kulankooda ku xuleen laba saxafi oo fikradda saxafiyiinta gobolka Mudug cod dheer ku gaarsiiya Soomaaliya oo dhan iyo caalamka intiisa kale.

Ku-simaha idaacadda Radio Gaalkacyo, C/risaaq Cali Cabdi (Silfar) ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay goobta wuxuu sheegay in in xeerkan uusan marnaba u qalmin in suxufiyiinta Soomaaliyeed lugu maamulo, isagoo xusay in suxufiyiinta ay iyagu xaq u leeyihiin inay sameystaan xeerarkii lagu maamuli lahaa.

Faadumo Xaaji Axmed oo ka mid ahayd suxufiyiintii shirka ka qayb-galay ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in xeerkan lugu tilmaamay mid aan u qalmin Suxufiyiinta gobolka Mudug; isla markaana waxay sheegtay inuu xeerkan yahay mid baal-marsan shaqooyinka ay suxufiyiintu u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

“Haddii xeerkan la dhaqan-geliyo wuxuu noqon karaa mid suxufiyiinta ku keeni kara dhibaato; iyadoo la ogyahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku jireen dhibaatooyin, una dhabar-adaygayay howlaha ay bulshada u hayaan,” ayay tiri Faadumo Xaaji.

Shirkii suxufiyiinta ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo intii ka qaybgashay ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin caburinta saxaafadda Soomaliyeed, iyagoo uga digay dowladda inay ka laabato xeerka ay soo saartay.

Xoghayaha guud ee ururka Qaranka saxafiyiinta Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cusmaan oo ku sugan Muqdisho ayaa isagoo ka hadlaya xeerka saxaafadda wuxuu ku boorriyay dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed inay dib u eegis ku sameeyaan xeerka saxaafadda ee dhawaan ay dowladdu soo bandhigtay.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya