4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Wasiirka Warfaafinta Somalia oo ka Qayb-galay shir looga Hadlay Isgaarsiinta Caalamka oo ka dhacay Spain (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa kaga qaybgalay shir looga hadlayay isgaarsiinta caalamiga ah oo magaalada Barcelona ee dalka Spain ka dhacay 25-kii illaa 27-kii bshan Feberaayo, iyadoo shirkaas ay joogeen madax wasiirro iyo mas’uuliyiin ka socday ha’yado caalami ah sida: ITU, ATU iyo GSMA.

Shrkaas oo ay ka qaygbaleen madax badan oo ka socda shirkadaha is-gaarsiinta caalamka iyo kuwa ganacsiga ee ICT, iyadoo wasiirka uu ku wehlinayay ka qaybgalka shirkaas la-taliyihiisa dhinaca isgaarsiinta, Maxamed Ibraahim.

Wasiirka ayaa kala hadlay xoghayaha guud ee ITU iyo xubno ka mid ah shaqaalihiisa horumarka muuqda ee ay sameysay isgaarsiinta Soomaaliya iyo sida aysan uga qaybqaadanayn dib u dhiska dalka.

Doodda ayaa lagu soo qaaday in isgaarsiinta Soomaalida aysan bixin wax canshuuraad ah, sidoo kalena ay isticmaalaan lamabarkii Soomaaliya ay lahayd ee 252, iyadoo lagu taliyay in isgaarsiinta Soomaaliya la simo is-gaarsiinta kale ee caalamka.

Kulankan ayaa wuxuu daba socday kulan la qabtay bishii December 2012 magaalada Dubai ee dalka Imaaraaadka Carabta, kaasoo Soomaaliya ay ku ogolaata in xukuumaddu ay u sameyso isgaarsiinta Soomaaliya shuruuc iyo xeerar ay ku dhaqanto.

Shirkan midka xiga ayaa waxaa lagu qaban doonaa bisha soo socda magaalada Geneva, kaasoo madaxda ITU iyo wakiillo ka socda xukuumadda Soomaaliya ay uga hadli doonaan sidii lagu billaabi lahaa qorshe howleedkii lagu gaaray shirkii Dubai ka dhacay sannadkii hore.

Wadatashigii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo howlwadeennada shirkadaha isgaarsiinta Soomalaiya ee bishii 09-kii Feberaayo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay shirkii Barcelona, iyadoo la isla gartay.

Dhanka kale, wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya ayaa dib u howgelisay wargeyskii Dalka oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya, kaasoo muddo sideed bilood ka hor joogsaday.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya