4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Xukuumadda Somalia oo sheegtay Inaan lagu Wargelin shirka Maamulka loogu sameynayo Jubbooyinka kuna baaqday in la tashado

Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) —Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka, kaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay qabanqaabadiisa ka soconay magaalada Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aan lagu wargelin shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka soconayo Kismaayo, wuxuuna wasiirku sheegay in ay ka warheleen oo qura in shir maamul loogu sameynayo Jubooyinka uu ka furmayo Kismaayo.

“Waxaan ka warhelnay in meeshii shir lagu qaban-qaabinayo oo la leeyahay waxaa lagu dhisayaa maamul, anagu runtii shirkaasi wax wargelin ah iyo wax aan ka ognahay haba yaraatee ma jirto,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaban doonto shir looga hadlayo arimaha Jubooyinka, kaasoo uu xusay in ay u qaban doonaan shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka, si buu yiri ay uga tashadaan arinta maamul u sameynta gobolladaasi.

Dadka deegaankaasi maamulkiisa hayo iyo dadka waxgaradka deegaankaasi casuumaad kale oo rasmi ah ayay dowladdu u dirtay oo la leeyahay bal aan wada hadalno oo aan wada xaajoonno oo nisu kaaya keena, marka inagu markasta gacantanada waa ay taagantahay, in la wada hadlo ayan dooneynaa, dowladuna dalka iyadaa dowlad u ah,” ayuumasuulkani hadalkiisii raaciyay.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka kasoo jeeda Jubooyinka in ay damiyaan colaada ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Hadalkan kasoo yeeray xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli gudoomiyaha gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka Macalim Max’ed Faarax uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u direen warqad casuumad ah oo ay uga codsanayeen in ay kasoo qeybgasho shirka la filayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya