4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
AMISOM oo Shaacisay in Ciidamadooda iyo Kuwa Dowladda ay la Wareegeen deegaanno ka Tirsan Gobolka Bay


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay saakay la wareegeen laba deegaan oo ka tiran gobolka Bay, kuwaasoo kala ah Dardan iyo Juuro-kuuloow.

Warsaxaafadeed AMISOM kasoo baxay ayaa lagu sheegay in deegaannadan lagu qabsaday howlgal ay ciidamadan qaadeen aroortii hore saakay oo Sabti ah, ayna ku guuuleysteen inay u tallaabaan markii ugu horreysay deegaano ka tirsan gobolka Bay.

“Deegaannadan waxay tirada deegaannada muhiimka ah ee laga qabsaday Al-shabaab ka dhigayaan lix, kuwaasoo looga qabsaday muddo toban casho gudahood ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AMSIOM, iyadoo intaas lagu daray in dhawaan laga qabsaday Al-shabaab deegaannada kala ah: Janaale, Awdheegle iyo Bariirre oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in qorshahooda uu yahay in la isku furo Muqdisho iyo Baydhabo, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee gacanta siinaya dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa ku tilmaamay howgalkan mid lagu sugayo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

“Ciidamada AMISOM way sii wadayaan inay ka hortagaan kuwa cadowga ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka taageerayaan sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen,” ayuu dajire Anaadiif ku yiri war ay howgalka Midowga Afrika soo saareen.

Ugu dambeyn, ergayga Midowga Afrika wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay sugi doonaan ammaanka goobihii dhawaan Al-shabaab laga saaray. Waxaana kala hadli doonnaa waxgaradka deegaannadaas inay gacan ka geystaan sidii ammaanka deegaannadooda lagu adkeyn lahaa.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan qabsashada deegaannadan ka tirsan gobolka Bay, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaan iyaduna ka hadlin warkan ay soo saartay AMISOM, balse sannad iyo barkii lasoo dhaafay Al-shabaab laga qabsaday deegaanno fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya