4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Boqolaal Dadweyne ah oo Bishiiba Booqda foornada rootiga ee Cilmi Boodhari ee Magaalada Berbera (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Magaaladda Berbera waxaa ku taalla goob ku qaali ah ummadda soomaaliyeed, isla markaana bishii mar ay booqasho ku tagaan boqolaal qof oo u soo daawasho taga, isla markaana sawirro qurux badan kusoo galla.

Goobtan dhallinyaradda u dalxiistagaan Boodhari, ayaa ah goob qofkii yimaadaa Berbera ilaa uu soo maro aanu ka tagin, kaas oo lagu xasuusto qofkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee jacayl u godgalla, waxaana Boodhari u astaan yahay aabaha jacaylka soomaalida.

Marka laga hadlayo jacayl waxa mar walba la soo qaataa Cilmi Boodhari oo wakhti ceeb uu ahaa jacaylka iyo in dumar la jecladaa ka soo mudhbaxay magaaladda Berbera oo uu markaasi ka shaqayn jiray Moofo furanka lagu sameeyo oo ku taalla badhtamaha magaaaladda, waxaanu jeclaaday inan aad uga yarayd oo la sheegay inay furin ka iibsan jirtay moofadda, isla markaana la jaar ahayd halka ay ku taallo moofadda furanka.

Sida wararku sheegayaan Cilmi Boodhari waxa uu aad u jeclaaday mar walbana uu hadal hayn jiray ama ku hawaawiri jiray Hodan oo ahayd inantii uu jeclaaday, nasiib darase jacaylkii lamay qaadin, taasina waxay u keentay Cilmi inuu sanado badan u jiifo xanuunkaasi haleelay ee guud ahaana soomaalidda ceeb ku ahayd inuu soo bandhigo.

Cilmi Ismaaciil Liibaan ( Cilmi Boodhari) dhibaato badan ayuu sooo maray jacaylkaasi, dadkii wakhtigaasi joogayna way la fahmi waayeen inuu jiro jacayl, taasina waxay geyeysiisay inuu ku kaliyeysto, inkastoo hablo badan loo soo bandhigay inuu guursado,markii dambana inan carabiyada ah loo dhisay, haseyeeshee may noqon mid uu ku dego, waxaana ka soo hadhay gabayo calaacal ah oo uu had iyo goor fariin ugu dirayo inantii uu jeclaa ee Hodan.

Moofadan furanka lagu sameeyey ee cilmi Boodhari ka shaqayn jiray, ayaan mar aan hawlo shaqo ku tagay Berbera booqday, waxaana kula kulmay moofadda dhexdiisa mid ka mid ah shaqaalaha oo aan kaga waraystay bal wixi uu taariikh ka hayo moofadan iyo cilmi.

“Horta moofadan iyadoo shaqaysa ayuu cilmi boodhari ka shaqayn jiray, waxaany jirtay ila laba boqol iyo badh sanno, waana moofo qadiimi ah, waxaase halkan ku qoran oo aan ku soo gaadhay in la sheegay in jacaylku cilmi ku dhacay 1937 ilaa sideed sanadoodna uu xanuunkaasi hayey markii dambana u geeriyooday”ayuu yidhi Nuur Maxamed oo ka mid ah shaqaalaha moofada oo muddo dheer ka shaqaynayey.

Haseyeeshee Nuur waxa uu Ii sheegay inuu cilmi inanta wax badan ka weynaa, isla markaana dan yare iska ahaa, taasina ay keentay in aanay is calfan cilmi iyo hodan, duruufaha ku xeernaa awgeed.

Sidoo kale, waxa gidaarka moofada gudaheeda lagu sharxay wakhtigi uu jacaylku haleelay Cilmi iyo wakhtigi u geeriyooday oo lagu sheegay in 1937 jacaylku ku dhacay, isla markaana 1945 u geeriyooday.

Moofadan cilmi boodhari lagu xasuusta ayaa ah mid cimri dheer jirtay ilaa hadana shaqaysa, waxaana marka aad booqato lagu soo dhoweynayaa si fiican, iyadoo aan waxba laga waydiinayn, haseyeeshee inta badan dadku waxay ka iibsadaan furanka kuwaas oo sawiro ku galla.

Nuur waxa uu ii sheegay in soomaalidu aad usoo booqat moofadda, isla markaana bishii ay yimaadaan ilaa afar boqol oo qof, kuwaas oo aan waxba la waydiin si fiican loo soo dhoweeyo.

“Horta maalmaha ciida iyo maalmaha qaaliga ah dadku aad bay yimaadaan oo lama tirin karo, waxaana ku qiyaasay in bishii ay yimaadaan ilaa afar boqol oo qof, waxaana laga kala yimaadaa inta badan deegaanadda ay soomaalidu degto iyo qurbaha” ayuu yidh Nuur, waxa intaas ku daray “ dad badan ayaa nagu guubaabiyey in aanu dadka lacag ka qaadno balse waanu diidnay qof kasta oo yimaadaan si fiican baanu usoo dhoweynaa, cid intay timid waligeed naga cabatay maanu maqal”.

Mid ka mdi ah qoyska Hodan Cabdile oo aanu wax ka waydiinay ayaa ii sheegtay inay qisadani ka dhigtay mid caan ah oo si weyn Ioogu  ixtiraamo.

Si kastaba ha ahatee, jacaylkan dhexmaray Cilmi Ismaaciil liibaan oo ku magac dheer Cilmi Bodhari iyo Hodan Cabdalle Walanwal ayaa ah ka ugu caansan somaalida, inta badana abwaanada soomaliyeed ay astaanta uga dhigeen jacaylka.

Dhinaca kale, magaaldda Berbera waa magaalo xeebeed ay dhallinyarada dalxiiska ahi booqdaan, waxaanad ku arkaysaa boqolaal dhalinyaro ah oo ku dabaalanaysa kana kala yimid gobolada kale.

Sidoo kale waxa iyana jirta Buur Hargeysa iyo Berbera u dhexeysa oo loo yaqaan buurta Xaawo iyo Aadan, waxaana ku yaalla laba dhagax oo ilaahay u sameeyey sidii laba qof oo is hortaagan, taas oo ay dadku ku tilmaamaan xaawo iyo Aadan.

Bal aynu jaleecno  Maansooyinkii uu ku caanbaxay ee qiiradda iyo waayihiisa kaga hadli jiray Abwaan: Cilmi Boodhari. Mar uu la garnaqsanyey Hodan oo uu lahaa intaan kugu xiiqay geedkuba wuu ila hadli lahaa hadii aanla hadli lahaa, waxaanu yidhi:

“Intaan adiga kugu gooni ahaa - geed hadaan la hadlo.

Ama aan gawaan qodayo - may gama'sanaateene

Gaaladu ha joogtee sidaa - kaaga go'i waayey?

Sidii aad go'aygii tahiyo        - macamus aan goostay

Ama aad godkii aakhiro - geeri iga baajin

Ama aan gayiga lagu ogayn - gabadh kaloo joogta

Gar-darniyaa maxaan Hodan Cabdiyeey  - kaaga go'i waayey?

Gadiidkii aan toosaba  - adaan kuu guntanayaaye

Goobtaan istaagaba dhulkaan        - godad ka jeexaaye

Sidii aad gidaar tahay - maxaa kaa igarab taagay?

Gar-darniyaa maxaan Hodan Cabdiyeey - kaaga go'i waayey?

Mana goosan kari waayin oo - geesi baan ahaye

Adaan kaa gun-gaadhaayey  oo  - helay guntaadiiye

Gar-darniyaa maxaan Hodan Cabdiyeey  - kaaga go'i waayey?

Waxa kale, oo jirtay maanso uu kula hadlayo ummadda soomaaliyeed iyo sidii ay u garwaaqsan waayeen xanuunka haya, isla markaana dhibaato badan ka soo gaadhay bulshadii uu la noolaa oo xanuunka haya cay iyo hagar daamo kale ugu dareen, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ;

Caashaqa haween waa horaa - Caadil soo rogaye

Sayidkii cishqiqa nuureiyo - Caliba soo gaadhye

Caruurtay sideen ciirshe - meesha iyo nebigiiye

Cidla lagama beermeen  - dadkoo cudud waaxidahe

Waxa caynba cayn looga dhigay - ha is cajabiyaane

Soomaalidaa caado xune - cidi iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan - cuud ka iibsadaye



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Berbera, Somaliland