4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Doorashadii Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Caawa Fiidkii lasoo gabagabeeyay


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Doorashadii baarlamaaniga ahayd ee dalka Jabuuti ayaa lasoo gabgabeeyay fiidnimadii caawa, kaddib markii hal saac oo dheeri lagu kordhiyay codbixinta oo lagu waday inay soo xiranto 6:00 maqribnimo ee maanta.

Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee tartanka ku jiray ayaa ka codeeyay goobo kala duwan oo magaalada Jabuuti ka mid ah, iyadoo doorashada lagu sheegay inay u dhacday si wanaagsan oo aanu musuqmaasuq ku jirin.

“Natiijada hordhaca ah ee doorashada waxaa lagu dhawaqi doonaa caawa goor dambe, balse natiijada rasmiga ah waxaa lagu dhawaaqi doonaan laba maalmood kaddib,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane oo warbaahinta la hadlay markii cod-bixinta lasoo gabgabeeyay..

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in doorashada ay u dhacday si hufan oo cadaaladi ay ku jirto, wuxuuna xusay in markii doorashada lasoo gabgabeeyay horay laga billaabay tirinta codadkii ay shacabka Jabuuti dhiibteen.

Kuraasta lagu tartamayay ee baarlamaanka Jabuuti ayaa waxay ahaayeen 65 kursi, iyadoo mucaaradka iyo muxaafidka ay dadaal weyn u galeen sidii ay ku heli lahaayeen aqlabiyadda baarlamaanka, si ay awoodda maamul ee dalka ula wareegaan.

Cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in doorashada ay ku faraxsan yihiin ayna si nadiif ah u billaabatay doorashada kuna soo dhamaatay, waxaana sidoo kale ka hadlay codbixintan goobjoogayaasha xisbiyada tartamaya ee ku sugnaa goobaha codadka laga dhiibanayay ayaa sheegay in doorashadu ay ahayd mid u dhacday si wanaagsan.

Mas’uuliyiin u hadlay xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan natiijada doorashada, iyago xusay inay ku kalsoonaan doonaan kuraasta ay ka helaan baarlamaanka.

Goobaha codadka laga dhiibanayay ayaa waxaa ku sugnaa 73 goobjooge oo ka socday dalalka ururka Midowga Midowga, urur goboleedka IGAD, ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta. Iyadoo sidoo kale ammaanka ay si aad ah u sugayeen ciidammo fara badan oo reer Jabuuti ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya