4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Soomaali badan oo qurbaha ku nool oo ku fekereysa inay Muqdisho ku laabtaan


Ibraahim Nuur Qalinle- PHOTO By: SVT


Jimco, February 22, 2013(HOL): Ibraahim Nuur Qalinle oo ka mid ah Soomaalida ku nool waddanka Sweden, gaar ahaan Magaalada Goteborg ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa uu la hadlay TV-ga Sweden ee SVT, wuxuuna sheegay in Soomaali badan oo caalamka daafihiisa ku nool ay ku fekerayaan in ay ku laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa marka aad dhex socoto waxaad arkeysaa Soomaali badan oo dibadaha ka laabtay, kuwaasi oo isugu jira kuwo u tegay in ay dalka soo arkaan, kuwo doonaya in ay ganacsi abuurtaan iyo kuwo dalkooda u boholyoobay.

 

Ibraahim Qalinle oo aad ula dhacay isbedelka ku yimid Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in xagaaga soo socda ay Soomaali badan ku laabanayaan dalka Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay in qofkii doonaya in uu tikidh ka iibsado shirkadda diyaaradaha Turkish Airways oo Muqdisho duullimaad ku  tagta ay ku adkaaneyso in uu tikidh helo, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay sida uu yiri  iyadoo dadku mar hore sii jarteen tikidhadii xilliga xagaaga.

 

”Waxaan kuu xaqiijin karaa ugu yaraan 10—20 kun in ay Tikidhooda sii goosteen, isla markaana ay qorsheynayaan in ay Soomaaliya ku laabtaan xagaagan”ayuu yiri Ibraahim Qalinle oo 23 sanadood ku noolaa dalka Sweden.

 

Soomaalida ku noqoneysa Soomaaliya ayaa waxay ka tegayaan meelo badan oo caalamka ah haba ugu badnaadeen waddamada Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Sweden, Holland, Norway iyo kuwo kale, iyadoo weliba ay jiraan kuwo ka laabtay dalalka deriska la ah Soomaaliya oo ay waqti hore soo galeen.

 

Idiris Ibraahim Nuur oo ah wiil uu dhalay Ibraahim Qalinle oo isna la hadlay TV-ga SVT isagoo Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga helay wadankiisa hooyo, isla markaana uu hadda si fiican u baranayo Afka Soomaaliga, wuxuuna caddeeyay in Waddanka Soomaaliya uu yahay waddan dalxiis oo aad u qurux badan, isla markaana xeeb leh.

 

Isbedelka ka dhacay Soomaaliya ayaa wuxuu yimid kaddib markii xoogaggii Al-Shabaab laga saaray meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo ay ka talinayeen, isla markaana gudaha Soomaaliya lagu dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda Soomaaliya u dhisan, taasi oo weliba aanan ahayn mid KMG ah.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis, Hiiraan Online

[email protected]