4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Xarunta Telefishinka RAYO-TV ee Magaalada Boorama oo Albaabada loo xiray iyo Mudaaraad ka dhacay Magaaladaas

Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) —Ciidammo boolis ah ayaa habeen hore fiidkii gudaha u galay xarunta telefsihinka RAYO-TV iyagoo albaabbada u laabay xaruntii telefishan uu ku lahaa magaalada Boorame, iyadoo shacab ka careysan xarigaas ay xalay mudaaharaad ka dhigeen magaaladaas.

Ciidamadan ayaa waxay gabi ahaanba joojiyeen shaqadii telefishinkaas, iyagoo xabsiga u taxaabay agaasimhii guud ee telefishinka RAYO-TV, Maxamed Cali iyo qaar kale oo ka mid ah Mas’uuliyiintii telefishinka.

Ma jiraan warar faahfaahsan oo laga helayo mas’uuliyiinta hay’adaha amniga iyo kuwa gobolka iyo degmada oo ku saabsan sabata keentay in albaabbada loo xiro telefishinkaas, balse warar kale oo dheeri ah oo arrintan ku saabsan ayaa waxay sheegayaan in RAYO-TV loo xiray markii uu baahiyay warbixin uu kasoo xigtay odayaaha deegaanka oo looga soo horjeeday wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Xarigan ayaa si wayn looga dareemay gudaha magaalada waxaana isugu soo baxay dhallinyaro badan oo ka careysan arrintaan kuwaasoo koox-koox u socday kuna dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin: “Somaliland ha dhacdo” iyo erayo kale.

RAYO-TV ayaa waxaa si wayn looga daawadaa ciyaaraha kala duwan ee ka dhacaya dunida, iyadoo habeen la xiray laga sugayay ciyaar aad u xiiso badnayd oo ka mid ahayd horyaalka Yurub.

Somaliland ayaa inta badan waxaa ka dhaca xarig loo geysto suxufiyiinta ka howgala deegaannada kala duwan, kuwaasoo inta badan lagu eedeeyo inay baahiyeen warar kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Khadro Xasan, Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland