4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Hay'adda HRW oo uga digtay Dowladda Netherlands inay Qoxootiga Somalida ah ee dalkeeda ku nool ay dib u celiso


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa uga digtay xukuunadda Netherlands ama Holland in qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool oo ay magangalyada u diidday inay dib ugu celiso Soomaaliya.

Warbixin ay ha’yaddu soo saartay ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay weli ka jirto xaalad khatar ah, iyadoo xustay in Al-shabaab ay weli ka taliyaan dhul ballaaran ayna khatar ku hayaan dadka shacabka ah.

“Soomaaliya weli waa dhul halis ah oo aan cago adag ku taagnayn oo kooxo hubeysan sida Al-shabaab ay qamaaamayaan oo khatar aan la saadaalin karin iyo halis aan cidna loo aabbo yeelayn ay ku hayaan dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta HRW.

Hay’addu waxay sheegtay in xilligan aan dadka magan-galyo doonka ah lagu celin karin gudaha Soomaaliya, maadaama aanu jirin ammaan dhab ah oo la isku halleyn karo khatarta Al-shabaabna ay weli muuqato.

Dowladda Holland ayaa waxay laba sano ka hor joojisay siyaasadeedii ahayd inay qoxootiga aan sharciga lahayn dib ugu celiso Soomaaliya, balse bishii December ee sannadkii hore wasaaradda garsoorka ee Netherlands waxay warqad u dirtay baarlamaanka taasoo ay ku sheegayso in Soomaaliya ay tahay ammaan laguna celin karo qoxootiga.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay horumar dhinaca ammaanka ah sameysay lixdii bilood ee ay jirtay ayaa haddana HRW waxay leedahay Al-shabaab weli dhul ballaaran ayay ka talisaa, waxayna beegsanaysaa dadka shacabka ah iyagoo ku sheegaya inay jaajuusiin u yihiin dowladda.

Labadii qof ee ugu horreysay ee la doonayay in dib loogu celiyo Soomaaliya ayaa la doonayay in toddobaadka lasoo qaado, balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa waxay maxkamadi xukuntay in la joojiyo safarka, kaddib markii labada qof ay rafcaan ka qaateen xukunkooda musaafurinta ah.

Dalka Holland ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay oo ka tirsan Midowga Yurub oo go’aansada inay dib u celiso Qoxootiga Soomaalida ah dalkooda, iyadoo hay’adda HRW ay sheegtay inay hayso warbixinno sugan oo ay ku doonayaan dalalka Sweden, Denmark iyo Britain inay qoxootiga dib ugu celiyaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya