4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Shacabka Jabuuti oo saakay u dareeray si ay u soo Doortaan Xildhibaannada Baarlamaanka Dalkooda

Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti ayaa waxaa saakay ka billowday doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaas, iyadoo shacabku ay soo dooranayaan 65-ka xidhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Jabuuti.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddex xisbi oo laba ka mid ah ay yihiin mucaarad iyo xisbiga talada haya, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 10-sano ah oo mucaaradka loo ogolaaday inay si toos ah uga mid noqdaan baarlamaanka.

Goobaha codbixinta ee dalka Jabuuti oo tiradoodu tahay 442 goobood ayaa waxaa si toos ah uga billowday doorashada, waxaana dadka codka bixinaya ay tiradoodu gaaraysaa 174,000 oo ruux sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda ah ayaa waxaa laga codeynayaa 232 goobood, iyadoo la doonayo inay ka yimaadaan 35 xildhibaan, halka inta kalena ay ka imaanayaan gobollada kale ee dalka.

Doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashooyinkii hore iyadoo xubnaha mucaaradka ah ee lasoo doorto ay ka mid noqon doonaan baarlamaanka, taasoo ka dhigan in baarlamaanka Jabuuti ay ka mid noqon doonaan xubno mucaarad ah, halka markii hore uu ahaa in ciddii ku guuleysata aqlabiyadda baarlamaanka ay qaadan jirtay kuraasta oo dhan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar ayaa kooxaha mucaaradka ah ku tilmaamay qas-wadayaal khatar ku ah nabadgalyada Jabuuti, iyadoo mucaaradkuna ay iska diideen eedeyntaas.

“Kooxaha mucaaradka sheeganaya waxaa ku jira kuwo aan salaanta iska qaadanayn maalmo ka hor, sidoo kale waxaa ku jira afar wadaad oo doonaya inay isku dhex milaan culummada Jabuuti oo qaddarin weyn aan u hayno, waase kuwo doonaya inay siyaasadda kasoo muuqdaan,” ayuu yiri Geelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxu yiri: “Mucaradka waxaa ku jira kuwo ka yimid Yurub oo qaswadayaal ah, khatarna ku ah ammaanka dalka, kuwaasoo qoraya Eritrea ayaan u yeeranaynaa si ay dowladda nooga tuurto iyo kale oo noocaas a, kuwa meesha socdana ma ahan kuwii mucaaradakii aan sugaynay, doorashada way isku qarinayaan mooyeen dano kale ayay leeyihiin.”

Balse hadalka Geelle waxaa ka jawaabay Cumar Cilmi Kheyrre oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ee tartanka ku jira, isagoo sheegay inay doonayaan in dalkan nabadi ay ka jirto, wuxuuna xusay in intii ay ololaha wadeen aysan afkooda ka bixin nabadda, diyaarna ay u yihiin inay horumarka dalka sii wadaan.

Ammaanka goobaha codadka laga bixinayo ayaa waxaa sugaya ciidamada dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kale ay ku sugan yihiin goobahaas kormeerayaal caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda IGAD, Midowga Yurub, Ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya