4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Shacabka Saylac oo Xukuumadda ugu baaqay inay sugto amniga Degmadaas Haddii kale ay iyagu sugan doonaan

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Shacabka degmada Saylac ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay sugto ammaanka deegaankooda oo koox yar ay isku dayayso inay qalqal geliyaan, haddii kale ay iyagu u istaagi doonaan inay ammaankooda sugtaan.

Kooxahan la sheegay inay degmadaas dhibaatooyinka ammaan-darro ah ayaa la sheegay inay kufsi u geysteen saddex haween ah oo ka mid ah kuwa degmadaas ku nool xilli ay kusii jeedeen dalka Jabuuti, taasoo aysan jirin cid wax ka qabatay.

Dhallinyaro kasoo jeeda deegaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Saylac ayaa ka halay xaaladda ammaan ee degmada iyo guud ahaan deegaannada ku xeeran, waxayna sheegeen inay jiraan koox shufto ah oo rabta inay qal-qal geliyaan ammaanka oo marba meel ku sugan si aan loosoo qaban.

 “Xukuumadda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay wax ka qabata amni darrada degmada ka taagan, haddii kale innaga ayaa u istaagayna inaan sugno ammaanka deegaankeena,” ayay dhallinyaradan ku sheegeen warkooda.

Dhalinyaradan waxay baaqooda ku sheegeen in ciidanka nabad-gelyadu ay yeeshaan indho-dheeraad ah oo ay gacanta kusoo dhigaan kooxaha yar ee wadda xaalad-abuurka ee haddana ku jira dhuumaalaysiga, haddii kale ay iyagu gacantooda kaga nadiifin doonaan waa siday hadalka u dhigeene.

Si kastaba ha ahaatee; shirkan jaraa’id ee ay dhallinyarada Saylac qabteen ayaa waxay kusoo beegeen xilli ay oday dhaqameedyada gobolada Awdal iyo Selel baaq kulul u jeediyeen xukuumadda Somaliland, kaddib markii wasiirka arrimaha guduhu si bareer ah u sheegay inaysan weli dhammaan xalinta arrintii Saylac.

Khadro Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland