4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Maxkamadda Ciidamada Qaalabka sida ee Dowladda Somalia oo dil Toogasho ku fulisay Sarkaal iyo laba Askari

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

Dilka oo saaka ka dhacay iskool bulusiyo ayaa waxaa lagu fuliyay saddex askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida,  kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal,  waxaana maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiyo dil ah oo ay u geysteen shacab iyo askari ciidamada dowladda ka tirsan.

Halka uu ka dhacayay xukunka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab),  saraakiil ciidan iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu xukunku u dhacayay.

Saddexda askari ee maxkamaddu ay toogatay oo dhammaantood ka mid ahaa ciidamada milateriga ayaa laba ka mid ah waxay ahaayeen walaalo waxaana lagu kala magacaabi jiray, dable Cabbaas Cumar Kathiir oo 26-jir ahaa iyo Cabdullaahi Cumar Kathiir oo 28-jir ahaa, waxaana lagu helay inay dileen laba qof oo shacab ah oo lagu kala magacaabi jiray: Xasan Dhagoole iyo Maxamed Faarax Nuur.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku fuliso xukun dil ah askar ka tirsan ciidamada dowladda,  balse waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun dil ah.

Xukunkii midkan ka horreeyay ayaa dhacay  bishii hore ee Janaayo iyadoo lagu fuliyay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo la sheegay in lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo kufsi.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la dili doono askarigii lagu helo fal dil ah ama kufsi, iyadoo maxakamaddu ay fulinta xukunnadan soo billowday intii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya