4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Xaflad loo Sameeyay Boqol qof oo Jaa’isado la Guddoonsiinayey (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo billado lagu guddoonsiinayo boqol qof oo labaatankii sanno ee u dambeeyey waxqabad la taaban karo ka sameeyey dhinacyadda bulshadda, ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hoteel Maansoor.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo faro badan.

Barnaamijkan oo la yidhaa qiimee qofkaaga ayaa waxa uu dalka ka socday mudooyinkii u dambeeyey, waxaana la doonayey in loo mahadnaqo dadkii labaatankii sanno u dambeeyey ka soo shaqeeyey danta guud ee Somaliland, waxaana dadkaasi ka mid ahaa afartii madaxweyne ee dalka soo maray, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo dad kale oo aad u faro badan oo iskugu jira qaar geeriyooday iyo kuwo noolba.

Dadkan ayaa la sheegay inay ummaddan wax u qabteen, kaalin weyna ka qaateen dhismaha iyo waxtarka bulshadda Somaliland ee kala duwan.

Gudoomiyaha qabanqaabiyaha barmaamijkan Rashiid Sulub caalim ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay madashan ay iskugu yimaadeen dadweynaha qaybaheedda kala duwan, kuwaas oo jaa’isado lagu siinayo boqol qof oo danta guud wax ka qabtay.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qofka wax qabtay la qiimeeyo loona mahadceliyo, isla markaana bulshadda dhexdeeda lagu maamuso, waxa kale oo uu tilmaamay in boqolkan qof ay yihiin kuwii labaatankii sanno u dambeeyey danta guud wax ka soo qabtay, waxayna iskugu jiraan dad nool iyo dad dhintayba, iyadoo la sheegay in 17 qof oo dhintay ay ku jiraan boqolkan qof ee jaa’isadda la siinayo.

Gudoomiyaha guddida qiimeynta waxa uu sheegay in ay bulshadda waydiinayeen dadka danta guud wax ka qabtay, isla marakana waxay ku jawaabeen iyo qofkay tilmaameen ay qorayeen, intii ugu cod batayna ay soo bandhigayaan.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa aad u amaanay guddidda qaran ee hawshan isku xilsaartay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.

“Waxaan jeclahay in aan mahadnaqa aad u balaadhan uso jeediyo guddida qaran ee qiimeynta ee barmaanijkan isku soo dubo riday ee lagu qiimeynayo hal doorka Somaliland ee hawsha adag galay, waxa kale oo aan hambalyo usoo jeedinayaa dadka wax ka geystay ee ummaddan wax u qabtay ee jaa’isadaasi ku guulaystay ”ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey munaasibada lagu soo gabogabaynyo barmaaijka qiimee qofkaaga.

“Wadan waxba ma noqdo haddii aanay dadkiisu wax la qaban, waxa lagama maarmaan ah in aynu noqono ummadd midaysan oo qaranimadeena ilaashadan oo nabadgalyadeeda ilaalisa oo aan xumaantiisa uun raadin ee xoriyadiisa iyo qaranimadiisa difaacaan”ayuu intaas ku daray.

Dhinaca kale, waxa maanta iyana munaasibad balaadhan oo loogu dabaaldegayo maalinta dhallinyaradda Somaliland lagu qabtay magaaladda Hargeysa oo sanad kasta bishan febraayo 20-keedda  loo dabaaldego.

Maalintan loogu dabaaldegayo maalinta dhalinyaradda ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka waxbarashadda iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo boqolala dhalinyarada Somaliland oo socod ku soo maray badhtamaha magaalada Hargeysa, isla markaana ubax dhigay taallo loo sameeyey 1982 ardaygi ugu horeeyey ee ciidamadii Maxamed Siyaad Bare ku toogteen agagaaarka Beerta xoriyadda ee magaaladda Hargeysa, waxaana maalintaasi Somaliland looga yaqaanaa maalinti dhagax tuurka, taas oo loo bedelay maalin qaran oo ay dhalinyaradda Somaliland si weyn u xusto loona weynayo, waana maalintii ugu horeysay ee ardayddii magaaladda Hargeysa ee wakhtigaasi  iyo ciidanku si toos ah iskaga hor yimaadaan, iyagoo kala sita dhagax iyo qori.













Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland