4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo la wareegay garoonka diyaaradaha Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa shalay gellinkii dambe la wareegay deegaanno dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay howgallo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ayaa la wareegay deegaanno uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Jowhar, waxaana socda qorsheyaal la doonayo in lagu gaaro Mahadaay,” ayaa laga soo xigtay saraakiil u hadlay dowladda iyo AMISOM.

Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen dhammaadkii sannadkii hore, iyagoo tan iyo xilligaasna aanay jirin meel ay uga baxeen.

Garoonka diyaaradaha ee Jowhar oo ay ciidamada isbahaysanaya kala wareegeen Al-shabaab shalay oo Isniin ahayd ayaa wuxuu degmada Jowhar kaga beegan yahay dhinaca waqooyi qiyaastii 17-km, iyadoo sidoo kalena ay degmada Mahadaay u jirto Jowhar 30-km oo dhinaca waqooyi ah.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ee dowladda Somalia ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo inay Al-shabaab kala wareegaan deegaannada gobolka oo dhan. Inkastoo aysan sheegin muddada uu howlgalkaas qaadan karo.

Sannad iyo barkii lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan degmooyin waaweyn, sida Baydhabo, Marko, Jowhar, Kismaayo iyo kuwo kale oo fara bada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya