4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Kulan Taageero ah oo Magaalada Muqdisho loogu qabtay Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed (DAAWO SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) —  Kulan ay kasoo qaybgaleen odoyaasha dhaqanka, boqorrada, salaaddiinta, culimaudiinka, siyaasiyiinta iyo  aqoon-yahannada Soomaaliyeed oo lagu taageerayay golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hoteelka Mubaarak ee magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka qayb-galay kulankaas ayaa sheegey in golahan uu yahay mid raalli la isaga yahay xubno loona xulay ee samata-bixin kara xiligan adag ee uu shacabka Soomaaliyeed ku jiro, isla markaanka dadka ku hoggaamin kara cadaalad.

Mas'uuliyiinta golaha, Suldaan Kamal Salaad Xasan ahna xiriiriyaha golaha oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa akhriyay aqriyay warsaxaafadeed ku saabsan heerarkii loosoo maray qaab dhismeedka golaha iyo qaabkii lagu soo xulay xubnaha ugu sarreeya golaha, isagoo sheegay in lagu soo doortay hab cadaalad ah, iyadoo boqorka golaha loo doortay Inj. Faarax Cabdi Guure.

Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed oo isna hadlay ayaa: "Innagoo diinta Islaamka cuskanayna ayaan golahan dhisnay, wuxuuna goluhu u taagan yahay nabadeynta beelaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan."

Kulan lagu taageerayay golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed oo ay ka hadleen madax sarsare sida duuliye Maxamed Xaaji Dhagax, mas’uul ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xirsi Faarax, wasiirka gaadiidka Galmudug, Faysal Xuseen Ciid iyo C/rashiid Aadan Gabyow oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee Soomaaliya, waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen golahan.

"Waxaan u sheegaynaa ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inaan aqbalnay aana u hambalyeynayno boqorka golaha salaadiinta Soomaaliyeed Inj. Faarax Cabdi Guure," sidaana waxaa yiri duuliye Maxamed Xaaji Dhagax oo goobta ka hadlay.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, Boqor Inj. Faarax  wuxuuna yiri: “Waxaan rajaynayaa inaanu marka hore wadahadal dhanka dhaqanka ah la billaabi doono walaalahayaga Somaliland si ay golaha uga mid noqdaan, taasaana ballan-qaadaynaa maanta. 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa kaloo aannu ballan-qaadaynaa, inaynu u taagan nahay xallinta khilaafaadka madaxda dalka, waxaana ku dadaali doonnaa wax kasta oo ummadda horumarkeeda ah. Sidoo kale inaannu shaqo wanaagsan la sameynno dhaqanka Soomaaliyeed oo dhan.”

Kulankan lagu taageerayay golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo duco loo duceeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka si dhibaatada muddada dheer soo jirtay looga baxo.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya