4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia oo Baydhabo kusoo bandhigay Madaxa Ruux Al-shabaab ka tirsanaa oo ay gowraceen

Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta saacaddu markii ay ahayd 4:00 galabnimo ayaa ciidamada dowlada oo wata gaari kuwa dagaalka ah waxay gaarigooda kasoo dejiyeen madaxa nin ay soo gowraceen , iyadoo goobta ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan oo daawanayay madaxaas bani’aadam.

Goobta lagu soo bandhigay madaxan go’an ayaa waxay ahayd afar-irdoodka Baydhabo halkaasoo ah bartamaha magaalada, iyadoo madaxa ruuxa lasoo bandhigay madaxii uu ka tirsanaa Al-shabaab kaasoo magaciisa lagu sheegay, Macalin Cabdiraxmaan.

“Ruuxan wuxuu ka tirsanaa xoogaggii Al-shabaab ee Baydhabo joogi jiray,” sidaas waxaa sheegay dad yaqaannay ruuxa madaxiisa lasoo jaray kaddib markii la gowracay.

Waana markii ugu horreysay oo ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Bay ay fal noocan oo kale ah sameeyaan, iyadoo dadkii goobta isugu yimid ay aad uga argagaxeen falkaas.

Qofka madaxiisa lasoo bandhigay ayaa waxaa la sheegay in da’diisu ay u dhexeysay 18 illaa 20 sano. Iyadoo falkan uu dhacay xilli ay dagaallo culus ku dhexmarayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab deegaanno ku dhow degmada Baydhabo.

Dhanka kale, weli waxaa socda dagaalladii saaka ka billowday deegaanno ka xiga 50-km dhinaca galbeed degmad Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasoo ay ku dagaalamayan ciidamada isbahaysanaya ee dowaldda iyo Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Wararka ku saabsan dagaalka ayaa waxay sheegayaan in Baydhabo lasoo gaarsiiyay maxaabiis Al-shabaab laga soo qabtay, welina labada dhinac kama aysan hadlin dagaalka tan iyo saakay dhexmarayay.

Hiiraan Online
Baydhabo, Soomaaliya