4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Maanta soo Bandhigay Dhallinyarro kasoo goosatay Xarakada Al-shabaab (SAWIRRO)



Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliska magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u soo bandhigay  saddex dhallinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goostay xarakada Al-shabaab.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in sadaxda dhalinyarrada ah horay uga tirsanaayeen Al-shabaab, laakiin hadda goosteen in ay isaga baxaan kuna biiraan sida uu hadalka u dhigay hanaanka nabad-galyada.

“Dhalinyarradan aad arkeysaan horay waxaa ay uga tirsanaayeen Al-shabaab, laakiiin hadda iyaga ayaa goostay in ay isaga soo baxaan, waana soo dhaweynay,’’ ayuu yiri Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Mid ka mid ah dhalinyarrada sheegatay in ay ka soo goosteen xarakada Al-shabaab oo warbaahinta la hadllay waxaa uu sheegay in uu mudo ka badan sagaal bilood uu ka tirsanaa Al-shabaab, kana soo dagaalamay sida uu hadalka u dhigay qeybo kala gadisan oo dalka ah gaar ahaan gobollka Galguduud.

“Haa waxaa ka tirsanaa Al-shabaab, dagaalo badan ayaan ka qeyb-qaatay, inta badan gobollka Galguduud ayaan ka howlgali jiray,’’ ayuu yiri mid ka mid ah ragga la soo bandhigay.

Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa sheegay in mar walba soo dhaweynayaan dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab, isaga oo balan-qaaday in la sugi doono nabad-galyadooda.

“Inta wali ku sii harsan waxaan leenahay isaga soo hara, kuna soo biiran hanaanka nabada iyo dowladnimada, waxaan idin balan-qaadeynaa in aan nabad-galyadiina ka shaqeyno, islamarkaana leydiin abuuro xirfado aad ku shaqeysataan,’’ ayuu sheegay Col Cali Dhuux.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale magaalada Baladweyne lagu soo bandhigo rag sida ay sheegaan saraakiisha maamulka gobollka ka soo goostay xarakada  Al-shabaab oo wali maamusha qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya