4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Tajamuca Islaamka oo Bayaan kasoo saaray dilkii naxdinta lahaa ee Garoowe loogu geysta Sheekh Cabdulqaadir Gacmey

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Maamulka Tajamuca Islaamka ayaa bayaan ay kasoo saareen maanta xaruntooda Muqdisho waxay kaga tacsiyeynayaan falkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo ka mid ahaa culummada Soomaaliyeed.

 Sheekh C/qaadir Gacmey waxaa lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland gallinkii dambe ee Jimcihii xilli uu ku jiray tukadashada salaadda Casri, iyadoo ruuxii dilay la qabtay.

Tajamuca Islaamka ayaa waxay geeridan uga tacsiyeynayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday. Iyadoo Sheekan uu noqonayo kii labaad oo lagu dilo Puntland.

Haddaba Bayaanka halkaan ka akhriso:

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya