4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka KMG-ka ee Magaalada Kismaayo oo toogasho ku dilay qof rayid ah

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa toogasho ku dilay Alaha u naxariisteen Marxuum Axmed Jimcaale (Maleele) oo ka mid ahaa macalimiinta sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Dilka Marxuumkani ayaa ka danbeeyay kadib markii uu muran dhexmaray isaga iyo qaar kamid ah ciidamada ilaalada saldhigga Kismaayo xilli ay halkaasi ka socotay dacwad dhul oo loo qaadayay marxuumka iyo kooxo kale oo ay ku muransanaayeen lahanshiyaha dhul.

Goobjooge codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in macalinka uu ka xanaaqay qaabka ay u dhaceysay dacwadda, markaa kadibna uu la murmay ciidamadii saldhigga joogay taasoo keentay gacan ka hadal dhexmaray macallinka iyo ciidamadii ilaalada ka ahaa saldhigga.

“Macalinka iyo ciidamada gacan ka hadal ayaa dhexmaray, dhowr askari ayaa isugu tagtay oo si xun u garaacday, wuxuu isku dayay in uu ka cararo, laakiin xabado ayay ka daba rideen, waxayna amar ku siiyeen in uu istaago balse ma joogsan, markii danbena dhowr xabadood ayay ku dhufteen, meesha ayuuna ku dhintay,” ayuu yiri goobjoogaha oo u waramayay HOL.

AUN Marxuum Axmed Jimcaale (Maleele) ayaa kamid ahaa macalimiinta wax ka barta magaalada Kismaayo kuwooda ugu caansan, wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay bare dhanka caafimaadka ka ahaa xarunta hay’adda Bisha case e magaalada Kismaayo, halkaas oo ay wax ka bartaan boqollaal arday oo reer Kismaayo ah.

Askarigii dilay marxuumka ayaa la sheegay in uu imika xiranyahay, wallow aysan jirin masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo ka hadlay arintaasi.

Marxuumka ayaa imika la aasayaa, waxaana masuuliyiinta hay’adda bisha case e magaalada Kismaayo oo ahayd halka uu macalinku baraha ka ahaa ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin dilka marxuumka, waxayna ugu baaqeen maamulka in sharciga la marsiiyo askariga dilka geeystay.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo kusoo badanayay dilalka ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxaana dilka marxuumkani siweyn uga xumaaday bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo, maadaama marxuumka geeriyooday siweyn looga yaqaannay magaalada, islamarkaasina uu soo saaray arday aad u badan oo taqasus u leh maadooyinka dhanka caafimaadka iyo weliba sheybaarka,waxaana sidoo kale marxuumka geeriyooday uu wax barayay arday lagu qiyaasay boqollaal kuwaasoo baranayay madaaooyinka sheybaarka iyo caafimaadka qeybihiisa kala duwan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya