4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo aas qaran loogu sameeyay Magaalada Garowe [SAWIRRO]


Sabti, Febaraayo 16, 2013 (HOL)- Waxaa gelinkii danbe ee maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland aas qaran loogu sameeyey AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo shalay xilli uu salaadda Casarka tukanayey lagu toogtey masjidka Beder ee xaafadda Hodon.

 

Salaadda Jinaasada ee lagu tukadey meydka Sheekha oo lagu oogey garoonka kubadda cagta magaalada Garoowe waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa Puntland, mas'uuliyiin ka socda dowladda Federaalka, Isimmo, Culimaa'uddiin iyo boqolaal dadweyne ah, kuwaasoo ay qaarkood gobolada fog fog kasoo safreen.

 

Madaxda aaska joogtey waxaa kamid ahaa madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa, Labada wasiir ee arimaha gudaha iyo Maaliyadda ee dowladda Federaalka iyo wufuud kale oo ka socotey maamullada Somaliland iyo Ahlu Sunna.

 

Aaska kadib waxaa goobta ka hadlay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo culimaa'uddiin ay kamid ahaayeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Nuur Baaruud.

 


Culimada ayaa ku dheeraaday sida ay diintu u ilaalisay nafta qofka muslimka ah iyo weliba xurmada ay siisey, waxay sido kale aad u dhaleeceeyeen ciddii ka danbeysey dilka Sheekha iyagoo ilaah ka baryey in uu uga abaal gudo.

 

Culimada ayaa sidoo kale ku baaqay in la qabto shirweyne deg deg ah oo ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida iyo Culimada diinta, si looga arinsado waxa laga yeelayo xaaladda uu xiligan dalku maryo.

 

Madaxweynaha Punltand oo isna khudbad dhinacyo badan taabaneysey goobta ka jeediyey ayaa xusay in dadka dilka Sheekha soo maleegay ay yihin kuwo usoo tafo xaydtey in ay dabarjaraan waxgaradka iyo Culimada Soomaaliyeed, si dalku u burburo dadkuna ay hoggaan la'aan u noqdaan.

 

AHN naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa Culimada waaweyn ee fidinta dacwada Islaamka cimrigooda intiisa badan ku bixiyey, waxaa geeridiisa si weyn uga murugoodey guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta o ay joogaan.




 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya