4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Qarax xooggan oo ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taal Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho



Sabti, Feberaayo 16, 2013 (HOL) —Qarax ayaa ka dhacay qeybta gaadiidka lagu baakimo ee maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoona qaraxu ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ka dhacay iridda laga galo maqaayadda ayaan ilaa imika la hubin waxa sababay, haseyeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu ahaa gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay iridda hore ee maqaayadda, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo ka qadeynayay halkaasi.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah eee ka dhashay qaraxaasi, haseyeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu ku dhintay hal ruux islamarkaasina ay ku dhaawacmeen sedex kale, kuwaasoo ah dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayadda.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa imika waxa ku sugan ciidamo katirsan kuwa dowladda, kuwaasoo wada baaritanno la xiriira qaraxa iyo weliba waxa sababay.

Faahfaahin ku saabsan qaraxa iyo weliba khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe.



……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya