4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Munaasabadda Daah-furka Barnaamijka "Hirgeli Hammigaaga Faneed" oo Muqdisho lagu qabtay DAAWO SAWIRRO)


Jimco, February 15, 2013(HOL): -Waxaa  magaalada muqadishu  laga furay studio casri ah oo ah ku qalabaysay qalab casri ah, kaas oo u saamixi doona fannaaniinta Soomaliyeed in ay ku soo bandhigaan hal-abuurkooda.
Stuudiyahan waxaa sidoo kale uu noqon doonaa goob lagu soo bandhigayo barnaamij cusub oo loogu magacdaray Horumari Hamigaaga faneed.

 

Barnaamijkan waxaa qabanqaabadiisa lahaa  Golaha Murtida iyo Madadaalada  iyo fannaaniinta qaranka oo ay kaalmayneyso Xarunta CRD . Barnaamij waxaa ka qeyb qaadan doona Fannaaniinta, hal-abuurrada iyo Farshaxanka.

 

Munaasabad Barnaamijkan lagu daah furay ayaa waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiin isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir, Fannaaniin, Abwaanno iyo marti sharaf kale, waxaana barnaamijkan uu Muqdisho ka furmi doonaa dhowaan.

 


Maareeyaha Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay wax wanaagsan oo lagu farxo ay tahay tartankan dib loogu soo nooleynayo Fanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay mid dhiirrigelin u ah Fanka Soomaaliyed.

 

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay dhiira gelineyso horumarinta Fanka, isla markaana ay taageerayaan in dib boorka looga jafo Fanka Soomaaliyed. Wasiirku waxaa uu sheegay in wasaarada warfaafinta ay mas’uuliyad iska saari doonto sidii fanka loo sii taabo-gelin i lahaa, loona kobcin lahaa. Wasiirku oo sii hadlayay waxaa uu yiri “muhiimad gaar ah ayay ay u tahay wasaaradda in dib loo soo celiyo dhaqanka. Barnaajikanina waxaa uu ka tarjumayaa dareenka ay umadda u qabto in ay dhaqankeeda soo ceshato, dhalinyaradda Soomaaliyeed nawaxa uu siinayaa fursad ay  ku soo bandhigaan hammigooda faneed”.

 


Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Fanka Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in dib loo soo nooleeyo Fankii Soomaaliya ee muddada 21-kii sano ahayd hoos u dhaca ku yimid.

 

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Fanka Soomaaliya uu ka tarjumayo dhaqanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, isla markaana fanka uu calaamad iyo aas-aas u yahay dal kasta oo aduunka ka jira.

 

Agaasimaha Hay'adda CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Fanka uu leeyahay qiimo weyn, isla markaana ummad kasta ay leedahay dhaqan iyo caado, waxaana uu xusay in Barnaamijkan ay ugu talagaleen sidii hal abuurrada ay u soo bandhigi lahaayeen hammigooda faneed.

 


Mr. Jabriil ayaa sheegay in hay'addiisa ay ka caawineyso Barnaamijkan Golaha Murtida iyo madadaallada, si loo helo buu yiri  Fannaaniin jiil cusub ah oo bedela jiilkii hore, waxaana uu tilmaamay inuu ka dhici doono Golaha Murtida iyo madadaalada ee National Theatre.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna dua magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa sheegay in Fanka uu udub dhexaad u ahaa bulshada, isla markaana uu kaalin wax ku ool ah ka qaadan karo wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Afka Soomaaliga.

 

Tartankan loogu magac daray Hirgeli Hamigaaga Faneed ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa suugaan kala gedisan oo isugu jirta heeso, murti, farshaxan, waxaana uu noqonayaa kii u horreeyay ee noociisa ah oo ka dhaca dalka Soomaaliya, iyadoo abwaaniinta iyo fannaaniintii ka qeybgalaya munaasabaddaasi ay rajo weyn ka muujiyeen in haddii uu hirgalo barnaamijkan uu gacan ka geysan karo isbedelka la doonayo in dalka lagu soo dabaalo.





 


Xafiiska Wararka Hiiraan Online