4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
DAAWO SAWIRRADA Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo ku sugan Deegaanno ka tirsan Shabeellada Hoose


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay Khamiistii shalay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaan idiin soo gudbinaynaa sawirrada ciidamadaas oo ku sugan deegaannadii ay kala wareegeen Al-shabaab.

Deegaannada ay ciidamada isgarabsanaya ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxay kala yihiin: Jannaale, Bariirre iyo Owdhiigle, iyadoo saraakiisha labada dhinac ay sheegeen inay halkaas ku sugnaan doonaan illaa amar dambe.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii hore luminaysay deegaanno ay ka talinaysay oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Marko, Afgooye, Wanlaweyn iyo deegaanno kale oo kuwaas hoostaga.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya