4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo gellinkii dambe ee Maanta lagu dilay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Waxaa gellinkii dambe ee Maanta lagu toogtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka tirsanaa culimada ugu waaweyn Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa xilligii la dilayey ku tukanayey salaadda Casarka masjidka Beder oo ku yaalla xaafadda Hodon, waxaa  la xaqiijiyey in uu toogtey nin dhalinyaro ah oo Baaskoolad ku hubeysnaa.

Sheekha oo rasaastu ay ka haleeshay meelo halis ah ayaa u geeriyoodey dhaawacii soo gaarey, waxyar kahor intii aan la gaarsiin Isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Dhinaca kale waxaa sida ay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanku warbaahinta u sheegeen gacanta lagu dhigay ninkii dilka geystey, waxaana qabtay dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa.

“Gacan ku-dhiiglaha waxaa isku duubay nin dhalinyaro ah oo Baaskooladdii uu watey kula dhegey, rasaas uu gacan ku-dhiigluhu furay waxaa ku dhaawacmay qofkii qabtay iyo gabar kale” goob joooge ka gaabsaday in uu magaciisu sheego ayaa yiri.

Xaaladda magaalada Garoowe iyo guud ahaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa xiligan ah mid kacsan, waxayna dadku si aad ah u canbaareynayaan dilka Sheekha iyagoo tilmaamaya in ay aad uga xunyihiin.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo isagana Dec, 2011 magaalada Boosaaso lagu diley, wuxuu ka tirsanaa madaxda sare ee Jaamacada Al-ictisaam.

Weli ma cada sababta keentay dilka Sheekha, mana jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay, haseyeeshee wixii war ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka so gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya