4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Iskahorimaad culus oo ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Al-shabaab ku dhex-maray Deegaan ka tirsan Gobolka Bari

Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay deegaanka Ceel-dibir oo ka tirsan degmada Ceelaayo ee gobolka Bari oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana wararka laga helayo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay kasoo gaartay labada dhinac dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda rasmiga ah la ogeyn.

“Weerarka waxaa soo qaaday ciidamada Puntlnad oo wata 18-gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay hawada ka taageeraysay shirkadda SARISAN, waxayna duulaan ku ahaayeen mujaahidiin ku sugan aagga Ceelaayo, dagaal xooggan ayaana halkaas ka dhacay wayna ku jabeen dagaalkaas,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo ah afhayeenka Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka, balse wuxuu sheegay in khasaare xooggan ay u geysteen ciidamada Puntland, ayna ku         qasbeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore kasoo duuleen.

Maamulka Puntland kama aysan hadlin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay, balse ilo wareedyo hoose oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaare kasoo gaartay, sidoo kalena ay dileen lab aka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab laba kalena ay nolol ku qabteen.

Wararka laga helayo dhinaca Puntland waxay intaas ku darayaan in gaari ay ciidamada Puntland wateen uu rogmaday markii laga soo laabtay dagaalka ayna ku dhaawacmeen saddex askari oo ka mid ahaa kuwii saarnaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal uu dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan deegaannadaas, iyadoo maamulka halkaas ka taliya ay horay uga digeen qul-qulka Al-shabaab ay ku imaanayaan Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya