4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil toogasho ah ku fulisay mid ka mid ah La-haystayaal Kenyan ah oo gacanta ugu jira


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xalay saqdii dhexe ay xukun dil ah ku fulisay mid ka mid ah dad Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ka tisranaa ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayay Al-shabaab ku sheegtay inay dilka ku fulisay, Jonathan Kipkosgei Kangogo oo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ay gacanta ku dhigeen sannadkii hore.

“Inkastoo ay mujaahidiintu wadahadal iyo waqti ku filan siiyeen dowlada Kenya, haddana waxay go’aansatay inay dhegaha ka furaysato dhawaaqa kasoo yeeraya muwaadiniinteeda maxaabiista ah, arrintaas oo caddeyn u ah inaysan wax qiimo ah la lahayn nolosha muwaadiniintooda marka la barbar-dhigo nolosha dalxiisayaasha ay Kenya sheegtay inay Soomaaliya ugu soo duushay si ay u soo furato,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warka ay soo saartay.

Al-shabaab ayaa sheegay ay siinayso fursad kale oo 72 saacadood ah si ay u badbaadiyaan shan muwaadin oo weli nool, kuwaasoo Al-shabaab ay sheegtay inay qoysaskoodu si joogto ula soo xiriiraan.

“Waa nolol ama waa geeri. Haddii ay 72-kaas saacadood ku suurogeli waydo inay badbaadiso nolosha maxaabiisteeda. Dowladda Kenya waxay si buuxda dusha ugu ridanaysaa mas’uuliyada dilka maxaabiisteeda,” ayay sidoo kale ku tiri Al-shabaab warsaxaafadeedka ay soo saartay.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab ay dowladda Kenya u qabatay saddex toddobaad inay ku aqbasho shuruudooda oo ahaa inay dhammaan dadka muslimiinta ah ee xabsiyadeeda ku jira soo dayso si ay sii dayso maxaabiisteeda ee ay gacanta ku hayso.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa dhawaan sheegay inaysan Al-shabaab kala hadlayn dadka ay gacanta ku hayso, isagoo xusay inaysan jirin ciidammo ka maqan oo ay og-yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya