4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Al-shabaab oo soo dhaweysay geeridii ku timid Guddoomiyihii Golaha Fulinta ee Ahlusunna iyo Marxuumka oo lagu aasayo Guriceel

Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa ka hadashay geeridii ku timid guddoomiyihii golaha fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow, iyagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadka dhibaatada ku hayay shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee Al-shabaab, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in Sheekh Xeefoow uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xilliga dheer dadaalka ugu jiray inay dalkan qabsato Itoobiya, balse taas Alle ma oran oo wuxuu dhintay isagoo aan hadafkiisaas ku guuleysan.

“Waxaan leennahay waa nin ay shacabka Soomaaliyeed ay ka nasan doonaan gaar ahaan reer Galguduud. Dhimashadiisana waxaan ku tilmaami karnaa inay la mid tahay geeridii ku timid kuwii isaga ka horreeyay ee heshiiska kula jiray gaalada inay dalkan keenaan,” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Mas’uulkan u hadlay kooxda Al-shabaab wuxuu sheegay in geeridiisa ay soo dhaweynayaan; isagoo xusay in dhankooda ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca oo marxuuku uu ka mid ahaa mas’uuliyiintooda.

Sidoo kale, ururka Ahlusunna ayaa dhankooda sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxaana mas’uul u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh C/risaaq Maxamed Al-Ashcari uu sheegay inaan loo dhutin doonin geerida Sheekh Maxamed Xeefoow.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa geerida marxuumka ku tilmaamay mid meel weyn ku banneysay, waxayna xuseen in booskii uu banneeyay uu marnaan doono inta laga buuxinayo.

Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ay AMISOM maamusho oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana uu u dhintay cudurka sokorka oo muddo dheer uu la xanuunsanayay.

Maydka Sheekh Xeefoow ayaa maanta loo duulinayaa magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud halkaasoo lagu aasi doono, iyadoo ay horay u sii raaci doonaan wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya