4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta u Ambabaxay dalka Itoobiya


Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu dalka kaga ambabaxo.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan jawaari oo la hadlay saxaafadda intii uusan ka dhoofin Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay inay casuumaad ka heleen dhiggooda dalka Itoobiya, ayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa.

“Waxaan casuumad ka helnay guddoomiyaha baarlamanaka dalka Itoobiya, wuxuuna ku saleysan yahay sidi labada baarlamaan ay u wadaagi lahaayeen khibradahooda,”  ayuu yiri Prof. Jawaari oo suxufiyiinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xubnaha safarkan ku wehlinayay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada baarlamaanka iyo xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

“Qodobbada aan kawada hadli doonno waxaa ka mid ah sidii wadashaqeyn joogot ah ay u dhexmari lahayd labada baarlamaan iyo arrimo kale oo khuseeya labada dal,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda, iyadoo aan la sheegin inta maalmood ee uu qaadanayo safarkan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Itoobiya ku tahay laba safar tan iyo markii la doortay, iyadoo safarkanna uu noqonayo midkii labaad oo mas’uul sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan uu ku tago dalkaas oo ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya