4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Qoysaskii ku noolaa xerada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne oo bilaabay in ay isaga guuraan

Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL)  -- Qoysaskii ku nool 22-kii sano ee la soo dhaafay xeradii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Lam-galaay ee magaalada Baladweyne, ayaa hadda bilaabay in ay isaga guuraan halkaa kadib markii ay sidaa amar ku siiyeen saraakiisha ciiidamada dowladda iyo AMISOM.

Xerada Lama-galaay oo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee dalka deegan u noqotay ku dhawaad 600 oo qoys ayeey sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM in saldhig rasmi ah looga dhigayo ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan oo hadda uu tababar uga socdo qeyb ka mid ah xerada.

Sadaxdii cisho ee u danbeysay ayaa la arkayay qoysas durbaba bilaabay in ay isaga baxaa xerada kuwasoo qaarkood ku mashuulsan fur furista guryihiin uga dhisnaa gudaha xerada madaama la siiyay waqti kooban oo ay halkaa ku baneen karaan.

Wafdigii uu horkacayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee dhawaan booqday magaalada Baladweyne ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadllay garoon lagu cayaaro kubada cagta oo ku dhax yaala gudaha xerada Lama-galaay.

Col Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa horay u sheegay in dib u dhiska ciidamada qeyb ka tahay in la helo marka hore xeriyihii militariga ee saldhiga u noqon lahaa ciidamada, isaga oo ku booriyay qoysaska in ay u hogaasamaan amarka lagu siiyay in ay baneeyaan xerada.

‘’Suurtagal ma’aha in dad shacab ah iyo ciidamo meel wada daganaadaan, sidaa daraadeed waxaan fareynaa qoysaska ku nool xerada Lama-galaan in ay ku baneeyaan waqtigii loo qabtay,’’ sidaa waxaa sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ka socday dib u dhis lagu sameynayo ciidamada maamulka gobollka ee dowladda Soomaaliya oo tababaro kala duwan ay siinayaan saraakiisha ciidamada Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.