4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Xildhibaanno Burundi ka socda oo Booqasho ku jooga Muqdisho

 
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigii Xildhibaanada ka koobnaa ee ka socday dalka Brundi islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamanka dalka Brundi Hakizimana Emilien ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyagoona kulamo la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ay xildhibaanadan ka socda dalka Brundi la qaateen ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayay uga wada hadleen xiriirka u dhexeeya labada dal iyo weliba arimo la xiriira ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Brundi.

“Maanta aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan kusoo dhaweeyo wafdigan ballaaran ee Brundi oo isugu jira xildhibaanno, dowladda iyo dad ganacsato ah oo u yimid in ay ogaadaan xaqiiqda ka jirta Soomaaliya, soona booqdaan ciidamadooda iyo ciidamada AMISOM iyo dadka Soomaaliyeed ee ay ammaanka kala qeybqaateen,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlayay.

Masuulkani ayaa sheegay in madaxda ka socota dalka Brundi ay ka wada hadleen taariikhdii dheerayd ee ka dhexeysay Soomaaliya iyo Brundi iyo weliba sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeyay labada dal.

Xildhibaanada ka socda dalka Brundi ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho 10-kii bishan aynu ku jirno ee Febraayo, waxaana la filayaa in maalinta Jimcaha ee soo socoto ay dib ugu laabtaan dalkooda, iyagoona intaas ka hor kulamo la qaadan doona saraakiisha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo weliba qaar ka tirsan xubnaha baarlamanka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya