4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigtay Maydka ruux ay sheegtay in uu dilay Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Dowladda

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Nabadsugidda gobolka Banaadira ayaa maanta kusoo bandhigtay Muqdisho maydka ruux ay sheegeen inuu xalay ku dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir sarkaal ka tisranaa ciidamada sirta dowladda Soomaaliya.

Taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ruuxa maydkiisa ay soo bandhigeen uu ka mid ahaa ragga ka tirsan Al-shabaab ee ka howgala Muqdisho, uuna u dhintay dhaawac uu gaarsiiyay sakaalka uu dilay.

“Ruuxan waxaa lagu magaacabi jiray C/risaaq Geelle Cabdulle si weyn ayaa looga yaqaannaa degmada, dhowr qof ayuu horay dilal ugu geystay, xalay oo dambeysayna wuxuu dilay, sarkaal sirdoonka ka tirsan oo lagu magacaabi jiray, Cali Maxamed Axmed (Cali Abooto),” ayuu yiri Col. Ereg.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in sarkaalka la dilay uu ka sifeeyay degmadaas xubnaha Al-shabaab ka tirsan, balse xalay la beegsaday, isagoo sheegay in degmada Shibbis isla xalay laga billaabay howgallo lagu baadi-goobayo kooxo kale oo Al-shabaab ka tisran.

Degmada Shibbis ayaa waxay xalay oo dhan ahayd meel kacsan, iyadoo ay halkaas gaareen dilka kaddib ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo ay u suurogashay inay qabtaan ruuxa dilka geystay oo dhaawac ah, inkastoo uu xalay gellinkii dambe u dhintay dhaawacaas.

Xarakada Al-shabaab oo la sheegay in ruuxan maydkiisa la soo bandhigay uu ka tirsanaa xoogaggooda ayaan weli ka hadlin arrintan, mana ahan markii ugu horreysay oo ha’yadda nabadsugidda ay soo bandhigto mayd ay ku sheegtay inuu ka mid ahaa xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya