4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Howlgallo lagu Qab-qabtay boqolaal qof oo Maanta laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMIOSM oo isgarabsnaya ayaa howgallo ay ku qab-qabteen boqolaal qof waxay saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howgalladan oo ahaa kuwo ay ciidamadu ku galayeen guryaha ayay kusoo qabqabteen 217-qof iyo hub la sheegay inay guryaha qaarkood ku arkeen, waxaana baaritaankan uu yimid kaddib markii xalay la weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Dayniile.

“Saakay waxaan baaris ku sameynay xaafado ka tisran degmooyinka Hodan iyo Dayniile, waxaana kusoo qabannahay 217 qof, waxaana 20 ka mid ah la sheegay inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, intii kale oo ahayd 197 qofna waa la sii daayay,” ayuu yiri Jen. Cabdullaahi Cali Cagey oo ka mid ahaa xubnihii hoggaaminayay howgalkaas.

Taliyuhu wuxuu sheegay in intii ay howgalka ku jireen lagu tuuray ciidamada bambaano kuwa gacanta ah, taasoo aysan jirin cid wax ku noqotay, isagoo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen miino dhluka lagu aasay oo la doonayay in ciidamada lagu qarxiyo.

Goobjoogayaal ka tisran dadkii xaafadaha la baaray ku suganaa ayaa sheegay in saakay laga xayiray inay aadaan shaqooyin iyo waxbarasho, iyagoo xusay in ciidamadu ay guryaha mid-mid u galayeen.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay howgallo lagula dagaalamayay isbaarooyin ka sameeyeen isla maanta jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo lagu arkay ciidamo dadka dhibaato ku haya.

Ugu dambeyn, taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka wuxuu sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya