4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Naadiga Bandhiga Cilmiga iyo Caqliga oo Xalay qabtay Bandhig Sannadeedkiisa “Cawayska Xog-Waran NBCC” (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Naadiga NBCC ayaa xalay bandhig sannadeedkiisa xog-waranka oo loogu gogol xaarayay sannad-guurada saddexaad ee naadiga. Bandhiggan oo ahaa mid in badan ka duwanaa bandhigyadii looga bartay naadiga ayaa wuxuu ka dhacay machadka culuunta sare ee BORAMA COLLEGE FOR ACADEMIC STUDIES.

Naadiga oo bandhigan soo agaasima sannadkiiba mar ayaa barnaamijkan ku lafa-gura wax-qabad sannadeedkiisa iyo qorshayaashiisa; isagoo talo urursi iyo wadatashi kula qaata bulshada uu u shaqeeyo.

Bandhigan xalay oo ahaa mid jawi iyo xiiso gaar ah abuuray ayaa waxaa furay guddoomiyaha naadiga bandhiga cilmiga iyo caqliga (NBCC), Maxamed Cumar Cismaan isagoo hadalkiisa u dhigay sida tan: “Bandhiggan waa mid wadatashi iyo is-xog-waraysi ah. Runtii naadigu wuxuu soo shaqaynayay muddo saddex sano iyo bar ah, waxaana noo suurogashay inaan ujeeddadii aan lahayn badankeenna gaarnay. Waxaa jira qorshayaal fog iyo kuwa dhow oo aan leennahay. Waxad ogaydeen in naadigu toddobaadkii lasoo dhaafay uu yagleelay maktabaddii ugu horreysay ee Boorama yeelato; iyadoo runtii baahi aad u baaxad wayn loo qabay.”

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in naadiga uu u furan yahay qof walba oo ka qaybqaadan kara, marka laga yimaado qorshayayaasha iyo wax-qabka naadiga waxaa lagama maar-maar noo ah inaan wadatashi iyo wax is-weydiin la yeelanno bulshadeenna si aan horumar la taaban karo uga gaarno kobcinta awoodda akhriska iyo qoraalka. Isagoo sheegay in taasi ay tahay sababta ay u sameeyeen “CAWAYSKA XOG-WARANKA NBCC”.

Intaa kaddib, guddoomiyuhu wuxuu si qoto-dheer uga sheekeeyay aasaaskii naadiga, ahdaafta uu ku taagan yahay, wax-qabadkiisii, siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee naadiga, qaab-dhismeedkiisa, qorshayaasha sannadanka ee naadiga iyo weliba himilooyinka iyo qorshayaasha fog ee naadiga. 

“Naadigu wuxuu soo ahaa, ahaanna doonaa goob aqoon la isku waydaarsado laguna kobciyo hibooyinka dhalinta. Isla markaana ay ka maran yihiin siyaasad, qabyaalad iyo wax kasta oo ka baxsan saaxada aqoonta,” ayuu yiri Maxamed Cumar.

Bandhigan waxa kale oo qudbado ka jeediyay masuulka maaliyada ee Naadiga Ayaanle abdirahman,  iyo dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee Naadiga.

Barnaamujkan ayaa waxa ka qaybqaatay aqoonyahanno, ardayda jaamacadaha iyo  bulshada rayidka ah. Iyadoo qar ka mid ah ardayda jamacadda Admas University ee Hargeysa oo kasoo qaybgalay kulanka ayaa maktabadda naadiga ugu deeqay buugaag dhowr ah.

Dhinaca kale Waxaa su’aalo la waydiiyay mas’uuliyiinta naadiga iyagoo u jawaab-celiyay hadba su’aalaha xog-waraysiga ah. Waxaa kaloo aqoon-yahannada iyo dhallinta naadiga u soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah iyagoo aad iyo aad ugu hambalyeeyay naadiga hawsha culus ee ay iskaa-wax-u-qabsada ugu hayaan ummaddooda.

Naadigan ayaa inta badan dadwaynuhu ku tilmaamaan naadiga ugu wax-qabadka badan gobolka isla markaana ah naadi firfircoon oo xawaare ku socda. Iyadoo sida guddoomiyuhu sheegayna sannad-guuradii sadexaad ee naadigu ku beegan tahay bisha Maarso ee foodda nagu soo haysa.

Haddii aad rabto inaad la xidhiidho Naadiga NBCC waxaad kala xiriiri kartaa bartiisa Facebook-ga oo ah: www.facebook.com/Naadigabcc.



Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorama, Somaliland