4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Gobollada dalka ay kusoo dabaali doonaan Ammaan iyo Xasillooni

Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xaqiijinta amniga aysan ku ekaan doonin magaalada Muqdisho oo kaliya, balse ay gaarsiin doonaan dalka oo dhan.

Saacid ayaa hadalkiisa ku daray in xukuumadda uu horkacyo ay go’aan ku gaartay inay dalka oo dhan ku xasiliso muddo kooban; wuxuuna carabka ku dhuftay in qorshaha xasilinta dalka uu yahay mid si dhaqso ah ay ku billaabi doonaan.

“Xukuumaddu waxay dadaal dheer u galaysaa sidii guud ahaan dalka oo dhan ay ku gaarsiin lahayd ammaan, howsha sugidda ammaankuna kuma ekaan doonto magaalada Muqdisho oo keliya,” ayuu yiri Saacid oo hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay gaari doonto gobollada dalka oo dhan.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa gacanta siinaya ayuu sheegay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan nabad kusoo celinta dalka oo dhan, balse ma uusan sheegin xilliga ay howshan billaaban doonto.

“Haddii aan Muqdisho wax ka qabanno maalinta ku xigta waxaan tagaynaa Jowhar si aan iyadana uga qabano howl la mid ah midda Muqdisho, sidoo kale, waxaan tegi doonnaa meel walba oo Muqdisho ku taalla,” ayuu yiri Saacid.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay wixii hadda ka dambeeya maamuli doonto dhaqaalaha loogu deeqo Soomaaliya, halkii ay markii hore ka maamuli jireen hay’adaha caalami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Somaaliya