4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Gobollada Awdal Iyo Gabiley ee Somaliland oo Gaaray Heshiisyo Iskaashi oo dhinacyo badan Taabanaya
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Heshiisku wuxuu ahaa iskaashi lagu xusay dhinacyo badan, kaasoo ka billaabanaya heer gobol, laguna wado inuu gaaro illaa heer degmo, iyadoo heshiiskan ay garwadeenno ka yihiin hoggaamiyeyaasha golayaasha deegaanka ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda heshiiskan lagu gaaray ayaa waxay kulmiysay barasaabka gobolka Awdal, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay iyo maayarrada degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xoghayayaasha fulinta ee labadaasi degmo iyo waxgarad kale.

Ugu horreyn, guddoomiyaha degmada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi oo hadal jeediyay ayaa soo dhaweeyay marti-sharaftii kulankaas goobjoogga ka ahayd isagoo u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geysatay xiriirka dhex-maray labada gobol iyo ahmiyadda uu leeyahay,

Xoghayaha fulinta dowladfa hoose ee Boorama, Maxamed Cabdi Xaashi (Xamari) ayaa isaguna ka hadlay heshiiska ayaa yidhi: “ Heshiiskan iyo xidhiidhkan cusub wuxuu kasoo billowday laba xoghaye, maantana wuxuuna marayaa heer gobol, waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid wax badan ka tara iskaashi dhinacyo badan oo dhexmara labada gobol.”

Guddoomiyaha degmada Gabilay, Shucayb Maxamed Muuse oo isaguna ka hadalay halkaas ayaa fursad iyo waaya’aragnimo ku tilmaamay heshiiskan waxana uu yidhi: “Waxaan rajeyneynaa inaan wax badan kala kororsan doonno, waa loo baahnaa xidhiidhka noocan ah, waxan uga faa’iidaysan doonnaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maamul wanaagga, kala faa’iidaysiga dhinaca waayo-aragnimada mashaariicda IWM.”

Guddoomiyaha jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo  ka hadlay isaguna kulanka ayaa sheegay in labada gobol ee Awdal iyo Gabilay ay wadaagaan dadka ku nool xidhiidh sokeeye oo dhinacyada, waxbarashada, wax-soo-saarka, dhaqanka iyo maamulkaba ah.

Badhasaabka gobolka Awdal iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Gabilay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda heshiiskan uu u leeyahay labada gobol, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka deegaankaasi iyo mas’uuliyiintooda; iyadoo gundhiggiisu uu noqon doono iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland