Xisbiga UCID oo Sheegay in Xukuumaddu ay Maanta ka Hor-joogsatay in ay galaan Magaaladda Gabiley (SAWIRRO)


Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta laga horjoogsaday inay galaan Gobolka Gabilay.

Weftiga  UCID oo ay ka  mid ahaayeen Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga UCID Faadumo Siciid, guddoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID , Xildhibaano iyo Saraakiil sar sare oo Xisbiga UCID ka mid ah oo doonayey inay tartan ciyaareed u qabtay xulalka gobolka Gabiley ayaa maanta loo diiday inay galaan magaaladda.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in haddii loo ogolaan waayo inay galaan magaaladda Gabiley ay kaga jawaabi waayaan mudaharaad, isla markaana caalamka iyo dalalka daneeya Somaliland usoo bandhigi doonaan xayiraadda xisbigoogga loogu sameeyey.

"Hore umaanaan ogayn xayiraadan nala saaray, Kulmiye-na wali lagama xayirin meel ay tagayeen laakiin marka la taabto waxyaalo badan ayey samayn jireen, waxaana  noo qorshaysan inaanu halkan joogno oo aanu mudaharaad ka abaabulno, hadhawna aanu mudaharaadka magaalada Hargeysa iyo umada oo dhan iskugu yeedhno oo aanu umada tusno in dalka fawdo lagu wado oo la doonayo inuu hal xisbi ka shaqeeyo"ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey waxay kaga jawaabi doonaan galitaankaasi loo diiday inay galaan gobolka Gabiley.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa Cambaareeyey xadhiga lagula kacay koox wariyeyaal ah oo shalay xabsiga loo taxaabay iyo talaabaddii lagaga hor joogsaday weftiga Xisbiga UCID inay galaan magaaladda Gabiley.

"Waxaad Ogtihiin xukuumada talada dalka hayse ee kulmiye in xoog ku cabudhinayso saxaafadii madax-banaanad in cago juglayn  iyo dhibaato badan ay xukuumadu ku hayso in ilaa hada ay xabsiga ku xidhan yihiin qaar ka mid ah warbaahintii madaxa banaan oo dumuq-raadiyadii shacabka reer Somaliland oo dhami ay ku faanayeen in xukuumada kulmiye ay madawo galisay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kuwaad ee xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed oo ka hadlayey xadhigii loo gaystay wariyeyaal ka hawlgalla magaaladda Hargeysa .

Sidoo kale, gudoomiye Axmed Seed wuxuu cambaareeyey is hortaaga lagu sameeyey xisbiga UCID oo hawlo shaqo u tagayey gobolka Gabiley.

“Waxaan aad iyo aad U canbaaraynayaa in wafti uu hogaaminayo musharax madaxwaynaha ee xisbiga UCID in hada lagu joojiyey Caabudla oo la hordhigay ciidamo badan isaga oo ku socda magaalada Gabiley arinkaasina waa arin nuqsaani ku jirto oo qaranka Somaliland waxa udhimaysa dumuq-raadiyadiina baalmarsan waxaan leeyahay xukuumada Siilaanyo heer waxa ay idinka gaadhay inaad tidhaahaan xisbiyada mucaaradka ahi ma tagi karaan gobolada”ayuu yidhi Seed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmihii u dambeeyey hadalo ad adagi dhexmarayey xisbiga UCID iyo xukuumadda,haseyeeshee talaabadan ay xukuumaddu ugu diiday xisbiga UCID inay gallaan magaaladda Gabiley ayey dadweynuhu aad ula yaabeen, isla markaana ku tilmaameen mid khalad ah in xisbi Qaran laga horjoogsado hawlihiisa shaqo.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba cisho ka hor markii uu madaxweynuhu ka soo laabtay gobolka Gabiley oo mashaariic kala duwan oo uu qaarna xadhiga ka jaray, qaar kalana soo dhagax dhigay,isla markaana kulamo la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha gobolka Gabiley.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland






Arbaco, December 04, 2013 (HOL) —Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa galabta gabi ahaanba isaga haray koobka bartamaha iyo bariga Africa oo sanadkan ka soconaya wadanka Kenya,waxaana ciyaartoyda Soomaaliya ay ku guul-daraysteen in Group B ay dhibco ka heleen,iyadoo ciyaaro adag horey ula soo yeeshay xulalka kala ah Tanzania iyo Burundi.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay kulankan lagu soo gaba-gabeynayay xarunta AMISOM ee Muqdisho, kaasoo looga hadlayay doorka haweenku ay ku leeyihiin ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, iyadoo xiritaanka kulankan ay goob-joog ka ahaayeen, wasiirka horumarinta adeegga bulshadda, Maryan Qaasim, dajire Nicholas Kay, danjirayaasha dalalka Talyaaniga, Sweden u jooga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay ka jawaab celiyay diidmo ay kala horyimaadeen guddi uu magacaabay musharraxiinta Puntland oo iyagu madaxweyne Faroole kula tartamaya doorashada soo socota ee dhici doonta bisha Koowaad ee sannadka soo socda 2014-ka.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya iskuullada ama dugsiyada wax lagu barto sida dugsiga hoose, dhexe iyo kuwa sare kuwaas oo ay furayaan hay’ado caalimi ah, iyadoo ay iskuul degmada ka furtay dhawaan hay’adda ZAMZAM oo maxalli ah.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda Qaranka ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay dibadbax lagu taageerayay go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala laabtay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid oo Muqdisho ka dhici lahaa.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay la wareegi doonaan guryaha burbursan ee Muqdisho ku yaalla haddii milkiilayaasha iska leh ay ku dhisi waayaan muddo saddex bilood gudahood ah.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta kulankii seddexaad ee Group-ka B la yeelanaya xulka kubadda cagta Zambia ciyaar ka tirsan koobka bartamaha iyo bariga Afrika, iyadoo ciyaartan ay maanta afarta galabnimo ka dhacayso garoonka Nyanyo National Stadium ee Kenya.

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa go'aamisay inaan damaanad lagu sii dayn karin wiilal Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraradii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 67 ruux.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay toddoba kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo xalay ka dhacay maqaahi ku taalla degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad culus oo xalay ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Somali News

12/4/2013 4:32 PM EST
Al Qaeda-linked militants, drug smugglers and shadowy criminal networks stand in the way of the Somali federal government's hopes of hiring a foreign firm to manage the lucrative but run-down southern port of Kismayu.

12/4/2013 3:50 PM EST
Lawyers confirm extended co-operation from man who secretly pleaded guilty to terrorism charges in New York two years ago

12/4/2013 3:25 PM EST
In 1992, President Bush ordered 28,000 U.S. troops to Somalia, where a civil war flared

12/4/2013 3:22 PM EST
We are a coalition of community leaders, organisations, campaigners, parents, researchers, Somali media figures, who are from the British Somali community and regularly engage with the British Somali diaspora in various ways. We have seen first-hand the negative impact Khat

12/4/2013 3:21 PM EST
NAIROBI (Thomson Reuters Foundation) – When Naima’s husband came home after the birth of their first child in a village in rural Somaliland, there was a rank smell of urine in the house.

12/4/2013 3:17 PM EST
A delegation from the United Nations arrived in Jowhar Tuesday (December 3rd) to assess the damage caused by the flooding in the Middle Shabelle region, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.

12/4/2013 2:56 PM EST
Police have said that 40 Somali castaways that were found in the Maldivian EEZ on different occasions since December 2009 have been sent back to their country.

12/4/2013 6:32 AM EST
A Madrassa teacher has been killed in Malindi, raising new fears over the activities of a terror group in the region.

12/4/2013 6:17 AM EST
Once close to eradication worldwide, the dreaded disease polio is resurfacing in Muslim-majority countries where vaccinations are hard to come by due to war, religious edicts and ignorance, experts say.

12/4/2013 6:07 AM EST
On Saturday 1 December, an EU Naval Force Autonomous Vessel Protection Detachment (AVPD) handover ceremony was held in Djibouti between Lithuanian and Serbian Forces in Djibouti.

12/4/2013 5:58 AM EST
A source reveals to Goal that Burundi, who face Tanzania in Nakuru on Wednesday, have been locked up at their hotel until bills are cleared.

12/4/2013 5:52 AM EST
Armed militia Wednesday morning attacked three cars among them a lorry less than 10 kilometres from Moyale town and cut off Kenya from Ethiopia as the Gabra- Borana conflict intensifies.

12/4/2013 5:46 AM EST
A Nairobi court has denied bail for the four suspects of the Westgate mall attack in Nairobi.

12/4/2013 2:28 AM EST
A week-long HIV/AIDS awareness campaign has been launched in the town of Adado in Somalia's Himan and Heeb region after local doctors reported an increase in the number of people living with HIV in September, Radio Ergo reported Monday (December 2nd).

12/4/2013 2:19 AM EST
On Monday, Somali lawmakers voted Prime Minister Abdi Farah Shirdon out of office following weeks of disagreement with the president over a planned cabinet reshuffle. However, the change of prime minister won't necessarily end Somalia’s political wrangles.
Click here