4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda oo Maamul goboleedyo aan is-waafaqsanayn lagu dhisayo


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa ka socda shirar iska soo horjeeda oo lagu dhisayo maamuulo ka hirgala gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo midkood uu hormuud u yahay xidhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan.

Degmada Baydhaob ayaa waxaa soo gaaraya ergooyin aad u badan, inkastoo ay jirto kala afkaar duwanaasho weyn oo u dhexeysa dhinacyada ku howlan dhismaha maamuladan aan is-waafaqsanayn.

Sidoo kale, magaalada ayaa waxaa ka socda abaabul xoog leh oo uu Shariif Xasan ugu jiro dhismaha maamul goboleed ka kooban saddex gobol kasoo horjeeda midda la doonayo in magaalada laga sameeyo lix gobol oo ku kala yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Xildhibaan Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulka uu dhisayo uu yahay mid waafaqsan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay in xildhibaanku uu garab uu ka haysto dowladda Soomaaliya.

Hoteelka Bakiin ayaa waxaa maanta ka dhacay shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah nabaddoonnada iyo waxgaradka taageersan Shariif Xasan, kaasoo ay uga hadleen sidii loo sameyn lahaa dibadbax lagu taageerayo maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddiga abaabulaya dibadbaxyada ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhici doonaan degmooyinka Bardaale, Qansax-dheere iyo gobolka Shabeellada Hoose. Aadan Isaaq Cabdi oo ka mid ah guddiga abaabulka ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah ay sugayaan ergooyin ka imaanaya gobalka Shabeellada Hoose iyo Bakool oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta labada gobole qaarkood.

Dhinaca kale, waxaa todabaadkii hore taageeray fikir Shariif Xasan Sh, Aadan guddoomiye ku xigeenka gobalka Bay Shiine Macallin Nuurow oo ahaan jiray mid ka mid ah saraakiishii jabhaddii RRA, isagoo qaadacay shirka kale ee ka socda xarunta ADC-da Baydhabo, isagoo shirkaas ku sheegay in laga leexiyay dhabbihii uu ku socday.

Magaalada ayaa waxaa ka socda labo shirweyne iyadoo labadan shir ay ku socdaan si xowli ah, iyagoo ergooyinka magaalada imaanaya ay yihiin kuwo ku kala biiraya labada shire ee Baydhabo ka socda.

Hiiraan Online, Baydhabo