4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
FOWZIYO YUUSUF: “Kumannaan Shacab Soomaaliyeed ah ayaa Ku Xayiran Gobollada Waddanka Koonfurta Sudan" (SAWIRRO)


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf X. Aadan ayaa maanta sheegtay in 10,000 oo muwaaddiniin Soomaali ah ay ku xayiran yihiin magaalooyinka dalka Koonfurta Suudaan oo ay dagaallo ka socdeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Fowziya oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kana mid ahayd wafdi uu urur goboleedka IGAD u diray dhexdhexaadinta dhinacada ku dagaallamaya Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in Soomaali badan oo dalkaas ku noolaa ay saameeyeen colaadilhii dalkaas ka dhacay.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay waddaa qorshe lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayay tiri wasiiradda oo sheegtay in intii ay ku sugayd magaalada Jubba ay kala hadashay madaxda dalalka ay soohdimaha kala dhexeeyaan Koonfurta Suudaan inay gacan ka geystaan sidii loo dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku xayiran looga saari lahaa.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dhowr qof oo Soomaali ah lagu dilay colaaddii ka dillaacday magaalooyinka Jubba iyo Bor oo ay haatan gacanta ku hayaan kooxo mucarad ah ayna dowladdu isku diyaarinayso inay dib ula wareegto.

Soomaalida ku nool Koonfurta Suudaan ayaa u badan ganacsato halkaas ku haystay hanti fara badan, kuwaasoo la sheegay in qaarkood laga dhacay wixii ay haysteen, halka kuwo kalena ay u badbaadeen.

Hadalka wasiiradda ayaa kusoo beegmaya xilli uu sheegay xoghayaha guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Koonfurta Suudaan uu sheegtay maanta oo Talaado ah inuu socdo qorshe Soomaalida looga saarayo guud ahaan magaalooyinka ay dagaalladu ka socdaan.

Colaadda dalka Koonfurta Suudaan oo salka ku haysa dagaal markiisii hore ka billowday muran soo dhexgalay madaxweynaha dalkaas Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar ayaa isku rogay mid qabiil, iyadoo caalamku uu ka digay in dagaalladaas ay sii socdaan.

Inta la ogyahay dagaalladaas waxaa ku dhintay dad badan 500-qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur ay raasaas habow ah ku dishay jidadka magaalada Jubba iyo goobo ay gabbaad ka dhiganayeen.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya